Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Wafdi Khaatumo State U Hogaaminaayo Cali khalif Galeyr Oo Males Zenaawi Casumay

Friday - Feb 3, 2012

Addis Ababa (Xigasho Ramaas) - Xukuumada federal-ka ee wadanka ETHIOPIA, ayaa martiqaad rasmi ah u fidisay maamulada Khaatumo State iyo Awdal State oo ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland, waxaana ay madaxda maamuladaas la yeelanaysaa kulamo gooni-gooni ah oo taageero loogu muujinayo .

Dawlada dhexe ee Addis Ababa, ayaa la sheegay in ay doonayso xiriir xagga amaanka iyo siyaasada ah oo ay la yeelato kooxahan, oo ballan qaaday in ay daacad u ahaan doonaan ETHIOPIA, iyaga oo ka codsaday in ay damaanad qaado amaankooda, ilaa inta ay gacanta ku dhigayaan dhulka ay qorshaynayaan in ay maamulada ka hirgalinayaan.

ETHIOPIA waxa ay si cad u sheegtay in ay soo dhaweynayso maamulka kasta laga dhisayo dhulweynihii la isku oran jiray Soomaaliya oo ay Somaliland ka mid tahay, waa haddii maamulada cusubi ay taabacsan yihiin siyaasada xukuumada Meles Zenawi ee gobolka Geeska Afrika , laakiin waxa meesha ka baxay cilaaqaadkii ay la lahayd Somaliland oo jiray in ka badan 20 sanno.

Dhanka kale waxa Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka ETHIOPIA maalintii shalay gaaray wefti uu hogaaminayo Dr Cali Khaliif Galaydh oo ah hogaamiyaha ruuxiga ah ee maamulka Khaatumo State, waxaana uu la kulmi doonaa madaxda sare ee federal-ka,kuwaasoo uu ka mid yahay Ra iisal wasaare Meles Zenawi sida ay ilo xog-ogogaal ahi u xaqiijiyeen shabakeda wararaka ee Ramaasnews.

Meles Zenawi, ayaa la sheegay in uu Cali Khaliif, ku dhiirigelon doono sidii uu maamulkiisa ugu baahin lahaa dhulka ay degta beesha uu ka soo jeeda ee Sool, Sanaag Bari iyo Buhoodle, iyada oo ETHIOPIA ay siin doonto gargaarka dhanka gaashaandhiga ah, isla markaana ay xukuumada Somaliland ku qanci doono in ay joojiso dagaalada ka dhanka ah somalland.

Galaydh oo xilka wasiirka koowaad ka qabtay dawlada KMG ahayd ee lagu soo dhisay Magaalada Carta ee dalka Djibouti ee uu hogaaminayay Cabdiqaasim Sallaad Boy sannadkii 2000, ayaa gacan ka gaystay burburkii dawladaas, ka dib markii ETHIOPIA ay ku eedaysay in ay xiriir la lahayd argagixisada caalamiga ah, waxaana uu sida oo kale taageero dhanka siyaasada ah ka haystaa dalka Maraykana uu barre jaamacadeed ka yahay.

Xiriirka Somaliland iyo ETHIOPIA oo diciifay ilaa intii xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo xukunka wadanka la wareegtay, ayaa sabab u noqday in ay kooxaha gooni isu taaga ka soo horjeeda taageero waydiistaan dalka saaxiibka hore ahaa . Ramaasnews Desk