Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Safiir Ku-Xigeenka Ingiriiska U Fadhiya Itoobiya Oo Jawaabti Dawladiisa Ku Soo Celiyey Siilaanyo

Saturday - Feb 4, 2012

Xigasho Waaga Cusub: Safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya dalka Ethiopia wuxuu soo celiyay jawaabo uu mudo la maqnaa oo nuxurkoodu ahaa su’aalo Madaxweyne Siilaanyo u dhiibay marku kol hore yimi Hargeysa waxaana jirta in su'aalahaas Safiir Ku xigeenku jawaabtooda dib ugula noqday dawladiisa, dabadeedna jawaabti loo soo dhiibay ayuu ula soo noqday hargeysa oo la sheegay iney ahayd sidaan: 

A- Shirka ma waxaan uga qeybgaleeynaa anagoo Dal madaxbanaan ah mise waxaan la mid nahay Puntland iyo Galmudug? tan waxay Dowlada Ingiriiska uga soo jawaabtay ( Waxaad shirka uga qeybgaleeysaan idinkoo Somalia ka mida)

B- Hadii Jawaabtiinu noqoto inaan shirka uga qeybgaleeyno anagoo maamul goboleeda meesha ma ku leenahay khudbad aan ku sharaxno qadiyadeena gooni isu taaga ?,tani waxay Dowladda Ingiriiska uga jawaabtay ( Shirka waxaad ku leedihiin khudbad 7 daqiiqo ah hasse yeeshee ugama hadli kartaan qadiyad gooni isu taag laakiin waxaad uga hadli kartaan sida Somalia lagu nabadeyn karo,loona ciribtiri karo argagixisada iyo burcad badeeda).

C- Shirka ma ka soo qeybgalayaan Khaatumo State iyo Awdal State oo ma ku casuunteen? Tani waxay Dowladda Ingiriiska uga jawaabtay ( Waxaanu go’aansanay inaan casuuno dhamaan garabyada Somalia , sida maamul iyo shaqsiyaad waaya araga, sidaas darteed siyaasadeena kuma jirto inaan ergada ka qeybgaleysa martiqaadkooda cid kale u sheegno)
Dhamaan seddexda Jawaab waxay u muuqdaan Negative wuxuuna Siilaanyo ka qeybgalayaa shirka laakiin qodobka ugu muhiimsan ee loo sheegay wuxuu yahay in Dowladda Ingiriiska ku tiri "Waxaan dooneynaa mabda' ahaan in Dowladda cusub ee Somalia in si kumeel gaara caasimadeeda laga dhigo Hargeysa".