Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

M/weyne Siilaanyo Oo Looga Yeeray AdisAbaba Si Askartiisa U Baneyso Degaanada Khaatumo State

Monday - Feb 6, 2012

Adis ababa: Madxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta u kicitimay dalka itoobiya oo la sheegay inu halkaas kula kulmi-doono Ra`iisal Wasaaraha Ethiopia Atto Males Zanawi iyaga oo isla soo qaadi-doona Xiriirka Labada dhinac oo baryahaan dambe si xumaanayey iyo gaar ahaan xaalada colaadeed ee ka taagan degaanada SSC iyo gaar ahaan kacdoonka ka jira shacabka gobolada Awdal oo saameeyey degaamada ku teedsan xaduuda kilnka Somaalida Itoobiya

Socdaalkan mr. Siilaanyo ayaa la sheegaya iney ku weheliyaan wasiirkiisa arimaha dibada Maxamed Cabdulaahi iyo Maxamed Caraalle Duur oo ah wasiirka Daakhliga oo labadaba dhawaan ka soo laabtay adis Ababa 

Ujeedada socdaalkaan iyo shirka la madalay ayaa ilo muhima ku soo waramayaan in wada hadalka labada dhinac cinwaan looga dhigay sidi xaalada colaad ee ka oogan degaanada khaatumo loo xasilin-lahaa, taaso itoobiyaanku ay ku talinayaan in ciidamada Somaliland gabi ahaanba isaga baxaan degaankaas ma daama Somaliland aan loo ictiraaf-saneyn dawlad madax banaan oo xuduudkeeda sugeysa, oo haddi ay duusho sharciyan loo arkaayo qabiil qabiil ku duulay, balse sida sharcigu yahay waxa kaliya kharidada xuduud sugi-kara u yahay Shariif Axmed oo Aduunyada looga aqoonsanyahay Madaxweynaha Somaaliya.