Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Inqilaab Milatari Oo Laga Hadal Hayo Hargeysa

Monday - Feb 6, 2012

HARGAYSA -Warka aanu ka helnay xubin mihiima ah aqoonyahan ku xeeldheer dhinaca Sirdoonka ah kana soo shaqeeyay NSS tii Soomaaliya isaga oo tobabar ku soo qaatay wadanka ruusha KJP dii . ayaa waxa uu noosheegay isaga oo kagaabsadey magaciisa in lasheego in ciidanka Somaliland oo uu hormood ka yahay Generalka ciidanka qaranka Md Jidif iyo Taliyihore ee ciidanka Qaranka Nuux taani iyo 7 Xubnood oo kale oo shirqarsoodi ahi ku dhexmaray goob kabaxsan magaalada waxyar oo ka xigta xaga dhinaca naasahablood ay go'aan ku gaadheen inay wadanka iqlibaan ku qabsadaan oo ay galiyaan xukun milatery, waxaanu inqalibaan kaasi salka ku hayaa shirka London iyo hadalkii kasoo yeeshay suldaanka ciidagale suldaan Maxamed cadiqaadir iyo shirarka badan ee ay xukumadu uqaqayb galayso shirarka Soomaaliya ee ay aadka uga soo dabacday mawqifkii muqadasnimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo dastuurkii dhigayay in la xidho qofkasta oo ka qayb gala shirarka Soomaaliya

balse ay hada noqotay in cidkasta oo ka qayb gasha shirarka Soomaaliya ama somaliland diidan ay toos uga soo dagto Somaliland.xubaha kale ee 7 da ah ayaa iayagu ah nimankii SNMta ugu sareeyay oo uu kamid yahay xasan ciise madaxweyne kuxigeenkii ugu horeeyay ee Somaliland. waxaana aan kalacadeyn xiliga uu inqlilaabkaasi dhicidoono in lala sugaayo madaxweynaha oo wadanka ka dhoofa iyo in Shirka London uu kadambayn doono, xubintan warka noo sheegay ayaa sheegay inuu kula talin lahaa maxadweyne kuxigeenku inuu xagaayo Borame uu wadanka ka sii maamulo ama uu gurikale seexdo inta madaxweynhu maqanyahay.

Dillapress