Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Madxweynihi Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Faroole Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Garowe

Tuesday - Feb 7, 2012

Garowe:C/raxmaan Sheekh Max’ed Faroole, Madaxweynaha Maamulka Puntland oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay socdaalo uu ku soo kala bixiyay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Jabuuti oo looga hadlayey arimaha guud ee Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi C/samad Cali Shire oo soo dhaweyey madaxweynaha ayaa waxuu warbixin kooban ka siiyay C/ramaan Faroole xaaladihi ugu dambeeyey dagaaladii ciidamada Maamulka Somaliland iyo dadka deegaankaas ku dhexmaray qeybo ka mid ah gobolka Sool, waxuuna carbaabay in Somaliland ay ku talo jirto amase doonayso in ay xoog ku qabsato dhul aysan lahayn. Intaasi kadib ayaa waxaa Saxaafadda la hadlay Madaxweynaha Puntland waxaana uu sheegay in uu ka soo qeyb galay Shir ka dhacay Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in looga hadlay arimaha burcad badeeda Soomaalida, waxaana uu sidoo kale sheegay in uu ka qeyb galay Shirkii Kooxda xiriirka Caalamiga.