Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

London Oo Ka Walaacsan Shakhsiyaad Ku Soo Bahaloobay Somaaliya Oo Dib Ugu Soo Laabanaya Britain

Tuesday - Feb 7, 2012

London: Warbixin laga soo saaray halista ay argagaxisada ku leedahay Briatian, ayaa walaac ka muujisay duufaanno weeraro argagixiso ah oo dalkaasi ku soo wajahan mustaqbalka dhaw.

Warbixintan oo uu soo saaray mac-had arimaha argagxisada kala taliya dalka Britain oo la yidhaa RUSI, waxay sheegtay in dhawrka sanno ee socda shaqsiyaad soo bahaloobay ay ku soo noqonayaan dalka Ingiriiska, kuwaas oo ka kala imanaya waddamo ay ka soo dagaalameen oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Nigeria iyo Yemen.

Mac-hadku waxa uu tilmaamay in dagaalyahannadaasi argagixisada ah oo intooda badani haysato dhalashada Ingiriiska ay doonayaan inay weeraro khatar badan gaysta ka fuliyaan magaalooyinka dalkaasi.
Warbixinta Mac-hadka RUSI waxa lagu sheegay in afar meelood meel ahaan dagalyahannada ajaanibkana ah ee ka garab dagaalama kooxda argagixisada Soomaaliya ka dagaalanta ee Al-shabaab ay haystaan baasabooro dhalashada dalka Ingiriiska ah.

Khubarada diyaarisay warbxintan ayaa ka walwalsan soo noqoshada dadkaasi argagaxisada iyo inay isku soo beegmi karaan sii deynta maxaabiista dembiyada argagixisada loo heystey dalkan Britain tobanki sano ee la soo dhaafay.

Agaasimaha mac-hadka RUSI, Prof. Micheal Clerk, ayaa sheegay in dadaalada muddooyinkan lagula tacaalayo aragagixisada iyo ka hortagga in dad badan laga dhigo kuwo xagjir ah ay kala dhantaali karaan dhibaatada dhaqaale ee caalamka, taas oo aanay Britain wax badan ka awoodin.