Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

War Deg Deg Ah .. Jiida Hore Ee Sul- Joogto Oo U Ka Socdo Dagaal Mawjadaha Dhiigiisa Lagu Harqaday

Wednesday - Feb 8, 2012

Buhoodle, Hargeysa: Waxaa hada dagaal shido iyo hoog faraha looga gubtay u ka socdaa aagaga Higlada iyo Sul-joogto loo yaqaan, waxaana warku intaa ku daraya in maleeshiyada taageersan maamulka cusub ee khaatumo ay iyagu dagaal xeel barqo weerar ah bilaabeen kadib markay heleen in dagaal kadis ah lagu soo qaadaayo oo dabadeed halkaas khasaaro loo geystay ciidamada Somaliland iyado isla markaana labada dhinacba laysku adeegsaday hubka wax guba iyo boobayaal halac naareed afuufaya.

Khasaaraha Labada dhinac weli si faafaahsan looma cadeyn, waloow wariyaal ku sugan magaalada Buuhoodle ay cadeeyeen iney arkeen laba baabuur kuwa dagaalka oo laga soo furtay ciidamada Somaliland dhawr dhaawacana la keenay.

Dhinaca Somaliland shabakooyinka wararka afkooda ku hadla ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Somaaliland oo is xayd-xaydaya iyo tiro wasiiro ah ay shir deg deg ah xarunti madaxtooyada buuxiyeen si ay u gorfeyaan xaalada cusub ee ka soo oogmatay jiida hore ee degaanka Suljoogto

Sida wararku sheegayaan 200 Oo ka mid ah ciidamada maamulka S/land asal ahaanse ka soo jeeda Khaatumo ayaa la sheegay iney ka soo goosteen ciidamadaas kuwaasoo la yiri waxay u soo goosteen dhinaca ciidamada Khaatumo State .