Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Kooxda G9 Ee Khaatumo State Oo Heshiis Shidaal Qodis ku Soo Saxiixaysa Dalka Norwey

Wednesday - Feb 8, 2012

Norwey- Adis Ababa: ilo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyay in kooxdi G9 oo ay wahaeliyaan masuullin kale oo ka mida madaxda maamulka Khaatumo state ay casuumad ka heleen Shirkad shidaalka soo saarta oo fadhigeedu yahay dalka Norwey. Shirkadan oo magaceeda la yiraahdo Seadrill Offshore waa shirkad private ah oo laga leeyahay dalka Norwey .. Shirkadan oo aad u danaysa kheyraadka Afrika waxay dhawaan heshiis la gashay dalka Kenya si ay shidaal uga soo saarto xuduudka biyaha u dhexeeya Somalia iyo Kenya, halkaas oo labada dal ku moransanyihiin juqraafi ahaan.
 
Wararku waxay intaa ku darayaan in isku xirka maamul goboleedka cusub iyo shirkada ay ka dambayso dawlada Itoobiya, arimahan shidaalkuna ay ka midyihiin waxyaabaha ay Itoobiya iyo maamul-goboleedka Khaatumo state isku afgarteen .. Xeeldheerayaasha arimaha geeska ka faalooda waxay leeyihiin sababta ay Itoobiya uga raali noqotay maamulkan cusub isla markaana ay u naaxinayso waxa ka mid ah heshiisyo ay labada dhan kala saxeexdeen oo shidaalka ka qoto dheer, lakiin aan la ogayn waxa ay yihiin.
 
Waxa jiray kulan ay horay u wada yeesheen intii aan shirka Taleex dhicin xukuumada Itobiya iyo kooxda G6 ee imika G9 laga dhigay. Waxa iyaduna xusuus mudan in kooxda G6 ay Itoobiya soo mareen markii ay shirka Taleex imanayeen. Xukuumada Somaliland-na waxa amar lagu siiyay inayna shirka faro-galin, dhawaaqii Siilaanyo ee labada gole ee maamul goboleedka Somalialand uu ka hor yirina wuxu ahaa hadal tiro.
 
Dhawaan markii maamulka Khaatumo lagu dhawaaqay waxa markale Adis Ababa isku raacay garaadada waaweyn ee maamulka Khaatumo Sate of Somalia iyo kooxda G9.  Waftigani intii uuna Adis Ababa tegin waxa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha kililka 5aad oo ku shaqeeya siyaasada dawlada dhexe ee Itoobiya, kadibna waftigii waxa Jig Jiga lagaga qaaday diyaarad khaas ah.
 
Gobolka Sool wuxu ka midyahay meelaha uu ku jiro shidaalka ugu badani, waana meelihii ay sahamisay shirkadii maraykanka ee Shafron wakhtigii Siyaad Bare, Waxa la sheegayaa in kooxda G9 ay Itoobiya ula tageen qorshe ay ku damaanad qaado shirkada saliida isla markaana ay shidaalka qaybteeda ku yeelato, lakiin wali tafaasiil kama hayno qaabka uu heshiiskani yahay. Lakiin heshiiska shirkada iyo maamulka Khaatumo State wuxu noqon doonaa mid afargeesood ah oo ka dhexayn doona maamulka Khaatumo, itobiya, Somaliya iyo shirkada Norwey ee Seadrill Offshore.
 
Waxbadan oo suurogali lahaa umaduna ka faa’iidaysan lahayd waxa caqabad ku noqotay goosashada maamulka la baxay somaliland oo dadka u karinaya dhari aan bislaanayn. Maamulka Somaliland aduunyadu iskuma aaminayso sharci ahaana shirkadaha caalamigu heshiis lama gali karaan, taasina waxay ka dhigtay meel go’doon ah oo kheyraadkii umadu ka faa’iidaysan lahayd ku xanibanyahay. Arimaha ay G9 doodooda u cuskadeen ee ay Itoobiya u dhagaysatayna taasaa kow ka ah.
 
Waxa dhawaan hirgalay qorshe shidaal qodis ah oo xukuumada Somaliya ay dhawaan saxeexday markii uu raisulwasaaraha ahaa Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Qorshahan oo farsamo ahaan wakhti badan soo jiitamay oo dawalada federaalka iyo puntland isku hayeen qaabka kheyraadka loo maamulayo waxa dabada ka riixay oo puntland gacan wayn siisay dawlada Itobiya oo aan la ogayn heshiiska meesha ay kaga jirtay. Kadib waxay shirkadii shidaalku heshay damaanad-qaadkii ama saxeexii dawlada Somalia .. Harawo Desk