Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Abaanduulayaasha

Thursday - Feb 9, 2012

London – Madaxweynaha Somaliland oo leh awoodda magacaabista taliyaasha ayaa maanta digereeto soo saaray xilka u kaga qaaday Janaral Jidhif oo ahaa taliyaha ciidanka,halka uu u magacaabay Janaral Shaqalle oo muddadii Cigaal hayey xilkani.

Janaral Maxamed Xasan Jidhif oo ka soo jeeda degmada Gebilay ammase beesha Sacad Muuse ( Jibril Abokor ) iyo Abbaan duulihiisii Ibrahim Caydiid Cabdi oo isna ka soo jeeda Sool ayaa sida warar hoose sheegayaan xilalkii looga qaaday sababta dagaalka Buuhoodle ee dhiigga badani ku daatay. Waxanay xil ka qaadistani ku soo beegantay ka soo noqoshadii Madaxweye siilaanyo uu Itoobiya ka soo laabtay.

Dhinaca kalena waxa jiray warar uu Janaral Jidhif siiyey saxaafadda oo uu usbuucii tegey u sheegay in Dr. Cali Khalif Gallayr ay dawladda Itoobiya xirtay, warkaasi oo uu ka soo xigtay saxaafadda, balse loo malaynayo in aanu ka fiirsan run ahaantiisa. Sida la sheegayna ay Itoobiya ka carootay waxa taliyaha ku kallifay war aan jirin in uu saxaafadda mariyo.

Soo noqoshadii uu Madaxweyne Siilaanyo ku soo noqday dalka iyo dagaalka dhacayey ee uu la kulmayna aad ayay uga careysiiyey, waxana uu saxaafadda oo dagaalkaa ka warsatay u sheegay in uu ka xun yahay, waxa kale oo uu saxaafadda u sheegay in gogoshii nabadduna ay weli fidsan tahay. Laakiin dhinaca Khaatumo weli waxa ka go’an in ay ku adkaystaan in ciidammada S/land ay ka baxaan dalkooda, taasina ay tahay shuruudda lagu kala nabad geli karo, maaddaama ay shacabku guddoonsadeen in ay iyagu aayahooda ka tashadaan tashadaan.

Haddaba taliyaha ciidanka ee la casilay waa Jidhife, oo dhawaan uun loo dhiibay xilkan, ayaa markii uu xilka qabtay ku faanay in aanu dagaalka jeclayn. Laakiin haddii ay ku kallifto in aanu joogsan, ee uu dabka aad u sii gali-doono.

Taliyaha cusub waa Janaral Shaqallee oo isna ka soo jeeda Sacad Muuse, jilibka reer Samatar oo ay isku jufo yihiin Muuse Biixi ayaa durba waxa na soo gaadhaya hambalyo lagu soo dhaweynayo mansabka loo magacaabay. Waxana la qiyaasayaa in uu xaaladda dagaalka ee jiidda bariga wax weyn ka beddeli doono.

Laakiin Abbaan duulayaasha la isku beddelay oo ka soo jeeda Laascaanood ayaan wax war ahi naga soo gaadhin. Balse waxa la leeyahay hawshan dagaalka lagula jiro tolkood ayaa noqon doonta mid saamayn badan ku yeelata noloshooda.

Siyaasiyiin aan arrimahan isa soo taraya ka warsannay ayaa sheegaya in dawladda Somaliland ka badbaadi karto burbur ku yimaadda, haddii dib loogu noqdo waxyaalaha la kala tabanayo ee saami-qaybsigu ugu horreeyo.

Xalayna waxa TVyada laga daawaday oday dhaqameed la yidhaa Daakir oo ka soo jeeda beelaha ku dulman Somaliland. Waxana uu carrabka ku dhuftay in shanta wasiir ee ugu xoogga badani ay ka soo wada jeedaan isku beel.

Tusaale ahaan, waxa uu soo qaatay:

Wasiirka Khaarajiga, Wasiirka Daakhiliga, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Taliyaha Ciidammada, Taliyaha Boliiska, Taliyaha Asluubta, Taliyaha Sirdoonta, Guddoomiyayaasha golayaasha dawladda, Safiirrada dalku uu leeyahay oo dhan iyo wax la mid ah. Waxana uu hadalkiisii ku soo gaba gabeeyey, maxaa dadkii kale u hadhay, ee ay ka dugsanayaan maamulkan….dee ma taasaan dagaal iyo bur bur keenayn.

Awdalpress.com