Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Nin aan Seexan Karin Asgoon Taleefoobn Ku Wacin Toban gabdhood

Thursday - Feb 9, 2012

Nin dhalinyaro ah oo ku nool Magaalada Nayroobi ayaa sheegay in uusan seexan karin habeenkii ilaa uu telefan kula hadlo gabdho, si uu codkooda u dhegeysto, ugu dambeyntiina u seexdo.

Wiilkan oo aan la sheekeysanay ayaa sheegay in habeen kasta ay qasab tahay in taleefankiisa Mobile-kiisa uu ku shubto ugu yaraan labo boqol lacagta kenya ah ama sedex boqol, isagoo wacaya numbero ay leeyihiin gabdho uu yaqaano, si uu codkooda u maqlo.

Wuxuu sheegay in mararka qaar xitaa ay dhacdo in uu garaaco numbero taleefano uusan aqoon, si uu ugu nasiibsado.

Mararka qaar ayuu sheegay in isaga oo maqsuud ah uu seexdo, kadib marka uu dhegeysto codad kala duwan oo haween ah, kuwaasi oo uu sheegay in aysan qasab ahayn in uu yaqaano.

Sidan ayuu sheegay wiilkan oo naga codsadey in magaciisa la qariyo in uu isku arkey labadi sano ee ugu dambeysay, isaga oo dhinaca kale sheegay in maalin kasta ay qasab tahay in uu raadiyo lacagta ama kaararka uu caawa balwadiisa ku wici lahaa…

Arintaani ayaa noqnayso mid cajiib ah, ayado xusid mudan tahay in aan wiil lagu magacabo saadam oo ku nool gudaha Magalada Cape Town ee dalkaasi S.Afrika, uu iisheegay in uu habeenkasto waco tiro intaan la eg oo gabdho Soomaali ah ka dibna uu seexdo.

Qof waliba waxaa aay leedahay balwad siday doonto ha noqote balse balwada xaga telefanada la wacayo ayaa qeeb ka noqatay balwada beni adaamanka leeyahiin ee soo kordhaya.

Hababa akhristoow hadii aad leedahay balwad nuucaan oo kala ah fikradaada inoogu soo dir ciwankaan si aan anagana ugu fa,adaysano mahadsanid

W/D Nuur Ismaaciil Sheekh

Tel; +254707169260

E-mail [email protected]

Nayroobi Kenya