Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Druusta Jimcaha .. Waxyaabaha Laga Rabo In Uu La Yimaado Imaamka Dadka Tujinayo

Friday - Feb 10, 2012

Imaamnimadu waa mas’uuliyad aad u ballaaran,waxaana qofka imaam noqonayo looga baahan yahay in uu garto mas’uuliyaddaasi waxa ay tahay,culumadu waxay isku khilaafeen qofka xaq u leh imaamnimada salaadda,Xanafiyiintu waxay yiraahdeen:waxaa xaq u leh qofka garanayo axkaanta salaadda,garanayo waxyaabaha ay ku ansaxayso iyo waxyaabaha ay ku burayso salaadda,waxaase shardi ah in uu ka fog yahay fuxshiga muuqda,waxaa ku xiga qofka ugu akhris fiican qur’aanka tajwiid ahaan,waxaa ku xiga kan ugu taqwe fiican,waxaa ku xiga qofka ugu horreeya soo gelitaanka islaamka,waxaa ku xiga qofka ugu da’san, Shaaficiyadu waxay qabaan: kan ugu garashada fiican qur’aanka, kaddibna ugu akhris wanaagsan, kaddibna ugu taqisan, kaddibna kan ugu horreeya soo gelidda islaamka, Maalikiyadu waxay qabaan: kan ugu garashada wanaagsan axkaanta salaadda, kaddibna kan ugu aqoon fiican fanka xadiiska xifdin ahaan, kaddibna kan ugu akhris og, kaddibna qofka ugu horreeya soo gelitaanka islaamka.

Reer Xanbali waxay iyagu qabaan:kan ugu garashada wanaagsan diinta,kaddibna kan ugu akhris wanaagsan qur’aanka,xataa hadduusan ahayn faqiih,laakiinse uu garanayo axkaanta salaadda,sababta keentayna khilaafkaasi waxay tahay iyagoo ku kala garasho duwan xadiiskii abi Mascuud Allaha ka raalli noqdee oo uu Muslim ku soo saaray saxiixiisa,in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:qoonku waxaa imaam u noqonaya qofka ugu akhris wanaagsan,macnaha ugu aqoon leh kitaabka Allah,haddii ay akhrintu isku mid yihiina,waxaa galaya qofka ugu aqoonsan sunnaha……. ilaa dhammaadka xadiiska,sidaas daraadeed wuxuu nebigu sallallaahu caleyhi wasallama uu asxaabtiisa ka doortay in abu Bakar bin Siddiiq Allaha ka raalli noqdee uu dadka tujiyo,maxaa yeelay baahida loo qabo garashada salaadda axkaanteeda ayaa ka baahi weyn qofka xafidsan qur’aanka,asxaabtu Allaha ka raalli noqdee markii ay toban aayadood xafidaan, uma gudbi jirin tobanka kale ilaa ay macnihiisa ka bartaan kaddibna ay ku camal falaan, ibnu Jariir ayaana sidaas ku sheegay tafsiirkiisa,ibnul Jowsina Allaha u naxariiste,wuxuu kitaabkiisa Talbiisu Ibliis uu ku yiri:waxaa laga yaaba in aad aragto imaam masjid oo aan garanaynin waxa salaadda ku bureyso iyo waxa ku ansaxayso, danta laga leeyahayna xifdinta qur’aanka waxay tahay in la fahmo dabadedna lagu camal falo.

Ibnu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:in aan si wanaagsan u akhriyo hal suurad,macnaha tajwiid ahaan iyo faham ahaanba,waxaa igaga fiican in aan akhriyo qur’aanka oo dhan,imaam Nawawi Allaha u naxariiste ayaana arrinkaasi ku saxiixay kitaabkiisa Attibyaanu fii aadaabi xamlatilqur’aani, sidaas daraadeed qofka imaam noqonayo waa in uu garasho u leeyhay axkaanta salaadda,qowlkani ayaana raajix ah,asxaabtuna kuma ekaan jirin oo keliya in qur’aanka la xifdiyo, sida imminka loo badan yahay oo dadkii waxay xoogga saareen xifdin oo keliya,waxaadna arkaysa dad xaafidul qur’aan ah oo haddana aysan garanayn axkaanta salaadda ama kuwo xaafidul qur’aan ah oo haddana dad dilayo ama dhacayo ama fuxshi iyo munkar oo dhan samaynayo ama kala saari karinba xalaasha iyo xaaraanta,Xasan Al-Basri Allaha u naxariiste wuxuu yiri:qur’aanka waxaa loo soo dejiyay in lagu camal falo, hayeeshe dadku waxay akhrintiisa ka dhigteen camal.

Imaamku waxaa laga doonaya in uu aqoon u leeyahay salaadda iyo cilmiga sharciga ah,waa in uu kala gartaa waxa salaadda ku ansaxayso iyo waxa ku burayso, dadka uu mas’uulka ka yahayna waa in uu tusaale fiican u noqdaa,sheekh Cuthaymeen Allaha u naxariiste ayaa la weydiiyay:dadka ahlu masjidka ah haddii ay neceb yihiin,imaamkooda,sababtiisana ay dad badan masjidka uga haajireen,ma tahay in imaamkaasi uu mas’uuliyaddaasi sii hayo?,wuxuu sheekhu ku jawaabay: marka hore waa in la fiiriyaa nacaybka loo qabo imaamka,haddii ay tahay in uusan aqoon u lahayn imaamnimada ama in uu dadka la dhaqmayo si xun ama in uu fuxshi iyo munkar iyo been uu ku dhex jiro,ma wanaagsana in imaamkaasi uu meesha sii joogo,sida qaar ka tirsan ahlu cilmiga ah ay sheegeen,qaar kalena waxayba yiraahdeen:waaba xaaraan in uu imaamkaasi meesha sii joogo,macnaha in uu mas’uuliyaddaasi sii hayo, sunnooyinka Tirmidi waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Camrin bin Al-Xaarithi Allaha ka raalli noqdee,kaasoo sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:dadka waxaa ugu cadaab daran maalinta qiyaame,labo qofood:naag ninkeeda ku caasisay iyo imaam ay qoonkiisu neceb yihiin, sheekh Albaani wuxuu xadiiskani uu ku saxiixay kitaabkiisa saxiixu Attirmidi.

Qaar fuqahada ka tirsan waxay qabaan in qof faasiq ahi haddii gadaashiisa lagu tukado ay salaaddaasi ansax ahayn,faasiqna waxaa loola jeeda qof ka baxay dhaacada Allah lana yimid mid ka mid ah denbiyada waaweyn ama ku adkaysanayo denbiyada yar yar,sheekhul islaam ibnu Taymiya Allaha u naxariiste,wuxuu kitaabkiisa majmuucul fataawa uu ku xusay:in a’imada ay isku raaceen in ay karaahiyo tahay in qof faasiq ahi gadaashiisa lagu tukado, waxayse isku khilaafeen in salaaddaasi ay sax tahay iyo in kale,Maalik iyo Axmed oo hal werin ah waxay la tageen in aysan sax noqonayn salaaddaasi,abi Xaniifa iyo Shaaficina waxay la tageen in ay ansaxayso salaaddaasi,laakiinse kuma aysan doodin in ninka noocaas oo kale ahi laga qaadayo mas’uuliyaddaasi.

Guddigii fatwada ee Sucuudiya madaxna u ahaa bin Baz Allaha u naxariiste ayaa la weydiiyay xukunka imaamka oo gadaashiisa lagu tukanayo,haseyeeshe uu garkiisa xiiran yahay ama qof garkiisa xiiran yahay oo haddana khudbada jimcaha akhrinayo?,wuxuu ku jawaabay:marka hore xiiritaanka garka waa xaaraan,qofkii xiirana waa qof faasiq ah weeyaan, sidaas daraadeed waxaa waajib ah in qofkii garka xiiro loo nasteexeeyo loona sheego in ficilka xiiritaanka uu yahay ficil munkar ah loona baahan yahay in laga hortago,hadduu imaamkaasi uusan aqbalin nasteexada waa in laga qaado mas’uuliyaddaasi,maxaa yeelay imaamnimadu waxay ka mid tahay ammaanada,haddii uu qofku bannaanka u soo dhigo caasinimadiisa,sida qof garkiisa xiiran yahay,sababna uusan u hayn xiiritaakaasi,wuxuu markaasi qofkaasi soo galaya qowlka Allah subxaanahu watacaala oo sheegaya:kuwii Allah aaminay ama xaqa rumeeyay ha khiyaamina Allah iyo rasuulka hana khiyaamina ammaanadiina idinkoo garanaya (suuradda Al-Anfaal,aayad lambar 27).

Sida la ogsoon yahayna axaadiista ku soo aroortay xiiritaanka garka waa wada amar, sharciguna wuxuu inoo sheegaya in amarada ay tahay arrin waajib ah,sidaas daraadeed haddii uu imaamku garkiisa xiiran yahay wuxuu khilaafay arrin waajib ah,sidaas daraadeed imaamka noocaas oo kale ah hadduu ku adkaysto imaamnimadiisa waa in lagu suuliya gacanta,haddii la awoodi waayana carrabka,haddii la awoodi waayana qalbiga sida uu rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama sheegay kuna xusan arrinkaasi saxiixu Muslim,soona weriyay abu Saciid Al-Khudriyi Allaha ka raalli noqdee,waana in dadka ay qaadhacaan oo aysan gadaashiisa ku tukan imaamka noocaas oo kale ah,Cabdullaahi bin Jibriin Allaha u naxariiste ayaa isaguna la weydiiyay:maxaa fiican,in haweenayda ay keligeed tukato ama ay istaagto ninkeeda gadaashiisa oo ay la tukato,laakiinse uu gakiisa xiiran yahay,surwaalkiisa ama qamiiskiisana uu ka dheer yahay canqawga?,sheekhu wuxuu ku jawaabay:waxaa fiican in ay keligeed tukato,intii ay gadaashiisa ku tukan lahayd qof faasiq ah,maxaa yeelay qofka noocaas oo kale ah in gadaashiisa lagu tukado waa karaahiyo.

Imaamku ma’ahan in uu dadku tujiyo hadduusan kala garanayn xukunka naasikha iyo mansuukha ee qur’aanka iyo xukunka axaadiista naasikha ah iyo kuwa mansuukha ah,mana ahan in uu dadka tujiyo hadduusan kala saari karin axaadiista saxiixda ah iyo kuwa daciifka ah,maxa yeelay hadduu arrinkaasi uu jaahil ka yahay waxaa dhici karta in uu oggolaado waxa la reebay ama uu diido wax sharci ah oo la oggol yahay ama waxaaba dhici karta in uu dad badan lumiyo ama in uu dadka u soo daliilsado axaadiis been abuur ah,kitaabka naasikha iyo mansuukha ee qur’aanka ee uu qoray abi Jacfar Annaxxaas waxaa ku xusan in Cadhaa’ bin Assaai’b yiri:Cali bin abi Dhaalib Allaha ka raalli noqdee,ayaa soo galay masjid,wuxuu la kulmay nin dadka cabsi gelinayo oo u wacdinayo,markaasuu yiri:muxuu ahaa ninkan?, markaas baa la yiri:waa nin dadka u wacdinaya,markaasuu Cali yiri:ma’ahan nin dadka u wacdinaye waa nin leh:waxaan ahay hebel ina hebel ee igu yeera,markaasuu Cali yiri:ma kala garanaysa oo ma kala taqaana aayadaha naasikha iyo mansuukha ee qur’aanka?,wuxuu ninkii ku jawaabay maya,wuxuu markaasi Cali yiri:ka bax masjidkanaga,dadkana ha u wacdin.

Ibnu Cabbaas Allah ka raalli noqdee isagoo fasiraya qowlka Allah oo ah:qofkii xikmad la siiyo wuxuu la yimid khayr badan (suuradda Al-Baqara,aayad lambar 269),wuxuu yiri:waxaa loola jeeda:kala garashada qur’aanka ee naasikha iyo mansuukha,xaaraanta iyo xalaasha iyo wixii la mid ah,imaamku waxaa looga baahan yahay in uu garto toddobada qiraa’adood ee ku soo degaty qur’aanka,waxaana laga rabaa in uu garto suuradaha uu ku akhrinayo salaadaha faralka ah iyo salaadda jimcaha,waana in uusan dadka ku dhibin salaadda,maxaa yeelay gadaashiisa waxaa ku tukanaya dad jirran,dad da’ ah iyo dad dani hayso.

Allahayow denbigeena noo dhaaf,Allahayow noo kordhi garashada diinta islaamka, Allahayow adduunka iyo aakhiraba wanaag nagu sii..........................Allahummastajib

Maxamedeyn [email protected]