Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Boliska Dalka Malaysia Oo Xiray Nin Sacuudi U Dhashay Oo Aflagaadeeyey Nabi Maxamed SCW

Friday - Feb 10, 2012

Ciidamada dalka Malaysia ayaa xiray nin u dhashay dalka Saudi Arabia kadib marku aflagaado kula kacay Nabi Mohamed (SCW) isagoo ka soo baxsaday dalka Suadi Arabia.

Afhayeen u hadlay ciidanka police e ka ee dalka Malaysia ayaa xaqijiyey xariga ninkan oo magaciisa la yidhaa Hamza Kashgari iyadoo lala kaashanayo ciidamada Interpol oo ay qayb ka ahaayeen iyagu.

Dalka Malaysia oo gabi ahaanba muslim ah ayaa waxay xiriir sokeeye la leedahay dalalka bariga dhexe sidoo kale waxa uu xiir isbahaysi oo dhaw la leedahay dalka maraykan.

Danbigan oo kale ayaan ka ahayn dalkan Malaysia danbi lagu mutaysto xukun sidaa u wayn balse dalka sucuudiga oo uu dhashay ninkan la xiray ayaa uu ka yahay Aflagaadadan oo kale ee lagula kaco Nabigeena Mohamed(SCW) mid aad u wayn oo lagu mutaysto xukun dil ah, sidoo kale xukuumada Malaysia ayaan ilaa haatan cadayn inay ku wareejinayso muwaadinkan u dhashay dalkiisa Saudi Arabia.

Hamza Kashgari oo ah saxafi iyo qoraa 23 jir ah ayaa waxa la sheegay inuu ku soo qoray bogaiisa Twitterka qoraalo ka dhan Nabiigeena suuban ee Mohamed (SCW) maalintii sabtida ee ku beegnayd xuskii dhalashadiisa.

Mar ay waraysanaysay shabakada Daily Beast ayaa waxaa uu sheegay Hamza Kashgari in uu cabirayey inuu sheego mid kamid ah xaqa uu qofka bini aadmiga ahi uu u leeyahay inuu ku cabiro fikirkiisa .. Source: wargeyska Carabiga ee Albawaaba.com