Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Ruushka Oo Fashaliyey Yeekihi Ugu Dambeeyey Is-Baheysi Reer Galbeedka Digniina Siiyey Shiikha Qadar

Friday - Feb 10, 2012

Channalka 2aad ee Faransiiska ayaa soo daayey war u ka xigtay cajalad duuban oo laga dhageystay doodo ay isku haraatiyeen Ergeyga Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Mr.Vitaly Churkin Iyo wasiir khaarajiyaha dawlada Qadar Shiikh Xamad Bin Jaasin oo markaas ku sugnaa hoolka UN-ka lagu sii nasto.

Warku waxuu leeyahay Shiikh Xamad Bin Jaasim oo ah wasiir khaarajiga Dawlada Qadar ayaa ergeyga Ruushka kula kulmay hoolka UN-ka markaaso la isu diyaarinaayey fadhigi golaha amniga ee looga hadlaayey codeynta arinta dalka Siiriya dabadeed Xamd Bin Jaasin ayaa ergeyga Ruushka isagoo abhinaya ku yiri; Mr.Vitaly Churkin waxaan kaaga digaya inaad codka maya Veto aad saarto go'aanka ama mooshinka laga damacsanyahay keli taliyaha Bishaar Asad ee shacabka Reer Siirya halaaga ku wan-jalaya isagoo intaa sii raaciyey oo yiri haddi aad na khilaafto oo Maya tiraahdo hadde ogow waxaad dunida Carabta kala kulmi-doontaan colaada cawaaqibteeda la leefi-doono

Mr.Vitali Churkin Marku warkaas ka soo yeeray wasiirka dibada Qadar isagoo qosol gawsku muuqdo waxuu jawaab ku yiri: Waxaad tahay Nin dhinac waxba ka arkeyn oo raba inu dad wax u sheego ee haddi mar kale aad sidaas ila hadasho waxaad ogaataa in Xaafada Qadar( dalka Qadar) laga waayi-doono khariidada Aduunka ,waxuuna intaa sii raacshay oo yiri war adiga iyo is-bahaaysigaaga ma jirto meel dadka iyo dalka Suuriya aad u wadaan aan ka ahayn qas iyo buuq la galiyo, teeda kale ayuu yiri; waxaad halkaan Iyo golaha amaanka ku tahay marti ee la soco itaalka iyo awooda aad leedahay, anaguse hadaan nahay dawlada super power-ka Ruushka adigoo kale lama hadalno ee dawladaha nala meeqaanka ayaan la hadlnaa.

Sida la ogsoonyahay dhawaan dawlada Ruushka iyo Chinaha ayaa fashaliyey mooshin iyo sheeko la soo daday dabin ahaa oo ay u haraad-sanaayeen dawladha reer galbeedka iyo dawladaha carabta oo ahayd in lagu majaxaabiyo xukumada Bishaar Al-Asad ee Siiriya hasa ahaate diidmadi labadaas dawladood ee Ruushka iyo Chinaha ay ku meel mariweyday, taaso ka careysiisay isbahaysigi carabta iyo reer galbeedki.