Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Shabakada Qaran News Ee S/Land Oo Si Xun U Haruuftay A. Siilaanyo Oo Shirka Kala Kulmay Wax La'aan

Thursday - Feb 23, 2012

London,(Qaran news)-Waxa soo gabo gaboobay oo dhamaaday shirkii Somalida loogu qabnaayay magaalada London, shirkaasi oo uu ka qayb qaadanaayay madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, shirkani oo saaka furmay waxa afka Somalida ku hadlay madaxweynaha Somaliya Sheekh Shariif oo aan si fiican uga wada talin caasimada Somaliya ee Muqdisho, waxa sidoo kale ka hadlay dhamaan madaxdii caalmka ee shirkaasi ka qayb gashay shirkaasi oo uu furay raysal wasaaraha dalka Britain.

Gabi ahaanba waxa shirkaasi aanu wax qorshe ah u oolin in ay ka hadlaan xukumadda Somaliland, waxana meesha ka cadaatay in xukumadda Siilaanyo lagu khiyaameeyay shirkaasi ka qayb galkiisa, sidoo kale waxa la fashiliyay qadiyadii gooni isu taaga Somaliland oo in mudo ah lagala talinaayay in ayna xukumadda Somaliland ka qayb qaadanin shirkaasi, qadiyada Somaliland waxa maanta god dheer ku riday wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar oo shirar hore oo noocni oo kale ah ka soo qayb galay isaga oo matalaaya Somaliland

Maanta laga bilaabo waxa ay xuklumadda Siilaanyo ay ay ka mid noqotay xukumad ku sheegta Sheekh Shariif, waxana hada la sugayaa waxa ay shicibka Somaliland ay u sheegi doonaan Siilaanyo iyo wasiirkiisa arimaha dibada oo ku fashilmay in ay hagaan siyaasadii ay Somaliland 20-ka sanadood ay ku soo socotay ee ahayd in aan shirarka Somalida loo qabanaayo aan lagu milmin, waxa kale oo xukumadda Siilaanyo ay meesha ka saartay siyaasadii ahayd in Koonfurta Somaliya la soo heshiisiiyo dabadeedna la isku hor fadhiisto labadii gobol ee isku biiray 1960-kii, taasi oo maanta soo gabo gabowday.

Wararka ugu danbeeyayay ee ka soo baxaaya Axmed Siilaanyo ayaa sheegaaya in uu murugaysanyahay isla markaasina uu goobtaasi ciil iyo cadho kala soo huleelay iyo waxbo laan, dhanka kalena wasiirka arimaha dibada ee Ingriiska ayaa kulan ay yeesheen shalay madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu sheegay in dawlada Ingriisku ay Somaliland siin doonto deeq lacageed sadeaxda sanadood ee Siilaanyo xukunka uga hadhay, taasi oo ay labada dhan ka wada shaqayn doonaan sidii shirarka danbe ee Somalida loo qabnaayo ay Somaliland uga qayb qaadan lahayd.

Shirkani waxa soo xidhaaya hada raysala wasaaraha dalawada Britain oo sheegaaya qodobadii shirkaasi ka soo baxay ee la siku raacay, kuwaasi oo aan haba yaraatee Somaliland ka hadlin ama aan waxba laga waydiinin. sidoo kale dadka Somalid waxa u hadlay oo su'aalaha ka jawaabaayay raysal wasaaraha Somaliya, kuna hadlaayay ama hadlay magaca dhamaan madaxdii Somalida ahayd ee ka soo qayb galay shirka London ee hada soo gabo gaboobay, shirkaasi hada uu soo xidhmay, waxana dhabowday dadkii lahaa yaan laga qayb galin shirkaasi.

Shirkani ayaa waxa qaadacay madaxweynahii hore ee Somaliland iyo ninka u taagan musharaxnimada xisbiga UDUB Cali Maxamed Warancadde, kuwaasi oo xukumadda Siilaanyo kula taliyay in ayna tagin shirka London.

Wararka ka soo baxaaya dad goob joog ahaa ayaa sheegaaya in madaxweyne Siilaanyo uu qorshaha shirka uu si fiican uga dhergsanaa oo uu u soo qasdiyay isla markaasina uu shirarka danbe uu ka qayb qaadan doono xitaa haday Xamar tahay, taasi oo shicibka Somaliland looga fadhiyo in ay ka talo qaataan xukumadda qaaday waxii laga diiday siyaasiyiintii hore Xamar u tagay ee afduubaayay qadiyada Somaliland.