Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Ururka Iskaashiga Islaamka Oo Wada Hadalo La Galaya Al-Shabaab

Saturday - Feb 25, 2012

Jeddah – Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxa uu sheegay in uu isku dayayo sidii uu uga dhaadhicin lahaa Xarakada AL-Shabaab in ay ku soo biirto geedi socodka nabadda.

Warbixin ka soo baxday xafiiska xoghayaha guud ee ururka iskaashiga islaamka Shiikh Akmaludiin Ixsaan Oogle oo ku yaala Magaalada Jiddah ee dalka Sucudiga ayaa lagu sheegay in ururka iskaashiga Islaamku uu xariir la samaynayo xarakada Al Shabaab.

Shiikh Akmaludiin Ixsaan Oogle ayaa tibaxay inuu kala xiriirayo ururka Al Shabaab sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen tubta nabadda Soomaaliya ayna u joojin lahaayeen dagaalada ay kawadaan dalka Soomaaliya.

Madaxa ururka iskaashiga islaamka ayaa xusay in uu horay ula xiiriray xubno ka tirsan Al Shabaab islamarkaana uu kala hadlay sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen wadahadalada Soomaalida ee lagu soo afjarayo dhibaatooyinka mudada dheer ka taagan dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Akmaludiin Ixsaan Oogle ayaa sheegay in uu filayo in guul laga gaaro dhibaatada Soomaaliya ayna ku guuleystaan inay isa soo hor fariistaan dhinacyada isku haya dalka Soomaaliya, taasina ay noqoto mid soo afjarta guud ahaanba Mashaakilka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.