Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Nin Ka Mida Qomiyada Oromo Oo Isku Dal-Dalay Hargeysa

Saturday - March 10, 2012

Hargeysa (Waaheen) Nin ka mid ahaa Qomiyada Oromada oo hargeysa ku iibin jiray qalabka gaadiidka lagu qurxiyo ayaa xalay iska soo dal-dalay fiiqa weyn ee dhismihiisu socdo ee shirkada dahabshiil dusheeda .. Maydka ninkan ayaa saaka waaberigii la arkay isagoo ka soo dal-dalan oo ka soo laad laada dabaqa sare ee fooqaas oo aad u dheer, waxaana Maydka ninkaas ka soo daadajiyay Ciidamadda Booliiska ee Saldhiga Dhexe ee u dhaw fooqaasi.

Ilaa hada si rasmi ah looma oga sababta uu isku dal-dalay Ninkaasi hase yeeshee sida ay Waaheen u xaqiijiyeen dad yaqaanay ninkaasi waxay sheegeen inuu ilaa shalay ka hor ooyay Suuqa isagoo ku cabanayay in laga dhacay lacagtii uu shaqaysan jiray.

Inkastoo aan la hubin Caafimaad ahaan inay arrintaasi ku sababtay Dilkiisa hadana sida ay dadkaasi sheegayaan waxa uu meeraysanayay bartamaha Suuqa Hargeysa halkaas oo uu xalay Saqdii Dhexe markay ahayd isku dal-dalay fooqaasi