Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Af-Nooliba Wuu Hadlaa Eyna Wuu Ciyaa " Wah- Wah-Wah"

Saturday - March 10, 2012

Axmed Garaadow "Maskaxdaadu Yey Noqon, Makhal Lagula Leeyahay!"

 

Iminka waaba la soo dhaafay waqtigii Kursiga lala saaxiibi jirey, oo waxaa dhulkii yimid Beel Ooman oo aan cid taageerta iyo mid boodh qaboobaha u qaata aan u joojineyn, waxan ku odhan lahaa baylahdaada dabeysha Jiilaalka ka ilaali. Uma baahan qolyahani cid taageerta iyo cid mucaarada. Xukuumada hada jirta waxa loogu wanqalay oo la yidhaa "ISKU FILAN", taas oo macnaheedu yahay MUCAARADA IYADAA ISKUGU FILAN - MUXAAFIDNA IYADAA ISKUGU FILAN.

Markaa saacadu yeyna kaaga dhicin, dadkana ha ku xagxagn ee danahaaga ku toos. Waxaan arkayaa inaad u egtahay qof Geed Sarre waab ah oo aan ogeyn waxa hoostiisa yaala - iyaba waa yaabe!

Maan arag, mana maqal meel ISKU FILANTA Axmed uu taageereeyo, uu ku cambaareeyey maalmihii ay ololaha ku galeen dhiiga walaaladiis ee sidii RWANDA ay hilbahooda cunayeen. Wali lama arkin isaga oo hadal haya walaalihiisa maalin walba lagu dilo degaanka uu ka soo jeedo, waxan ka ahayn isagoo xidhan hoggaan oo bogga hore kaga yaala Hadhka Hiiraan. Waxaanan hubaa dadkaa dhiigooda la daadiyey iyo isaga faraqa u dhaxeeya uu ahaa kaliya, in ilaahay isagana habeenkaas dhigay North America iyaga mariyey jidkaas yeydu u fadhiistay ama seexiyey hoygooda SEEMAAL- balse aysan jirin wax ay ku kala duwan yihiin.

Isku soo wada xoori, arrinta markii aan saxal tirey ee aan dhinac walba ka rogay waxan xasuustay arrin dhaqan ka noqotay Maxkamadaha Hargeysa hortooda, oo ninkii arkay baa arkee, marka ay dacwadi kaa gasho waxaa jira qolyo fadhiista nimanka araajada laga qorto agtooda oo laga kireysto si ay markhaati beenaale u furaan.

Nimankaas la kireysto ee markhaati beenaalaha fura ee if iyo aakhiro midna lahayn waxay ku odhanayaa ‘YAAN U GUBANAA" marka ay is suuq geynayaa ee ay rabaan in la kireysto. Axmed Garaad waxaan isleeyahay wuxuu ka mid noqday qolyaha North America jooga ee leh Yaan u Gubanaa. Axmedow qabyo badan oo aan isla ognahay way inoo taal- Yaan u gubtaa weeyaan hadalkaagu.

Hadal iyo dhaantii, waxan ku odhanayaa inta aanad cid kale aflagaado iyo wax ka sheeg u soo fuulin mareegaha, naftaada ka bilow oo "muraayad qaad oo marka aad wajigaaga aragto, iskuna garato Axmed Garaad, waxaad yeeshaa wixii Axmed u dan ah oo kaliya. Afka dadka aad ku taageysana jooji, haddii kale ileyn waad ogtahayoo meeshii lagu taabtaa way soo RUQEYSAA.

Sid qaalibka marka la rabno in la helo bulsho caafimaad qabta, oo hagaagta, waa in hoos laga soo qabyo tiro, markaa waxa mudan inta aanad cid wax ka sheeg sheegin in aad adigu isa soo xisaabiso, oo meelaha aan gaabiska ka tahay ee aan isla ognahay aanad dadka kale ku dhaliilin!

Suugaanta Soomaalida waxaa ku badan maansooyin hogo tusaaleyn u badan oo aad moodo in ay Axmed meel la fadhiisan jireen. Bal aan soo qaadano suugaan yahankii weynaa Ilaahay naxariistii jano ha siiyee Ibraahim Gadhle, waxa uu ka yidhi Axmed Garaad oo kale:

Magacaagu yuu noqon, mid xumaan ka marag kaca
Sida macawisaha qaar, ninba maalin mid yuun xidhan
Haddba kii muraad lehna, ha ugan dhigan maqaarsaar
Mar waxaad dhadhamisiyo, mijin qaad ah ha u dhiman
Hana diran masiibiyo, wax makhluuqa kala dila
Maskaxdaadu yey noqon , makhal lagula leeyahay!
Yaan toban muftaax iyo, lagu furan masaabiir!
Waxaad shalay mudatiyo, mahadhada xasuusnow!
Halkii qorigu kaa muday, mar labaad lugtaadiyo, yaan cagtu kula marin!!!
Maanta iyo dantii, yaan miyirku kaa lumin!!!!!
Maalmaha dambeeyiyo, waxa maqana faalee.!