Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Xukumada Eriteriya Oo Ku Eedeysay Mareykanka Weerarkii Itoobiya Ku Soo Qaaday Carigeeda

Friday - March 16, 2012

Xukumadda Eriteriya ayaa ku eedeysay dowladda Mareykanka inay ka danbeysay weerarki saddex-geesoodka ahaa ee lagu soo qaadayay dalkeeda .. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eriteriya, Ali Abdu, oo khadka telephone-ka kula hadlayey warbaahinta caalamka ayaa sheegay in weerarki dhacay ay ciidanka Itoobiya ku qaadeen Eriteriya uu ahaa mid uu ka dambeeyey Mareykanka.

Ciidamada dalka itoobiya ayaa weerar sadex-geesood ah ku qaaday saldhigyo ay ciidanka Eriteriya  ku lahaayeen Ramid, Gelahaben iyo Gembe oo dhamaantood ku teedsan xadka Ereitraya  la wadaagto Itoobiya

Dalalka Itoobiya iyo Mareykanka ayaa leh xiriir xooggan, waxeyna ciidanka Mareykanka dhawaan ka furteen garoon diyaaradeed magaalada Arba Minch oo ku taal koonfurta Itoobiya, halkaasoo ay haatan ka duulaan diyaaradaha aysan cidi wadin ee loo yaqaan Drones, kuwaasoo ay ku rakiban yihiin gantaallo iyo bambooyin lagu hago aaladda remote-ka.

Sida uu warbaahinta u sheegay Madaxa Xarunta Tababarka iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wasaaradda Gaashaandhiga ee Itoobiya, Korneyl Gebrekidan Gebremariam, ciidanka Itoobiya ayaa sii wadi doona howlgallada noocan ah illaa ay Eriteriya iyo inta ay taageerto ka harayaan ficillada ka dhanka ah Itoobiya.

"Ciidanka Difaaca Itoobiya way wadayaan tallaabooyinka noocan ah illaa xukumadda Eriteriya iyo calooshood u shaqeystayaasha ay faraha kala baxayaan howlahooda fowdada ah," ayuu yiri Korneyl Gebrekidan.

Xukumadda Asmara ayaa caan ku ah inay caqabad kasta oo la soo darasta ku eedeyso dowladda Mareykanka si ay shacabkeeda uga jeediso xaqiiqda dhabta ah.