Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Ciidamada Boliska Kilinka Shanaad

Saturday - March 17, 2012

Ciidamada kilinlka shanaad ee New (LIYUU)- BOOLIISKA ayaa la sheegay in ay dagaal balaaran oo lagy huubtay ay ku soo qaadeen shan tuulo oo ku yaala kilinlka shanaad oo ay beesha Habaryoonis hawd degto.

Ciidamada New BOOLIISKA ee soo galay shantaa tuulo oo watay 20 gaari ayaa lagu qiyaasey ilaa 2500 oo askari oo aad u hubaysan si ay uga aargutaan dilal horay loogu geystay.
 
Shantaas tuulo mid ka mid ah oo la yiraahdo RAQDA XIRSI XAMAKOW ayaa shalay dagaal kharaari ku dhexmaray ciidamada New BOOLIISKA iyo dadka degaan tuuladaas halkaas oo LIYUU BOOLIISKA lagaga dilay 9 askari halka xoolo dhaqatada degan tuuladaasna laga dilay 2 qof iyo 4 dhaawacmay,balse saaka ayaa ciidamada New BOOLIISKU Kililka shanaad ee Somalida weerar aargoosiya ku soo qaadeen tuulooyinka CADAADA,GALKA GONDO-LIBAAX,RAQDA iyo dhawr tuulo oo kale iyagoo dab suray qaar ka mid ah tuulooyinkaas xilli dadku ku mashquulsanaa waraabka xoolaha waxayna goobahaas ku dhaawaceen dhawr dumara iyo caruurahay haysteen taas oo ah dhaqan laga yaxyaxo .
 
Dhinaca kale wararka ilaa hadda naga soo gaadhaya aagaas ayaa tibaaxaaya in dadkii tuulooyinkaas ku noolaa islamarkiiba difaac abaabuleen qaadeena weerar rogaal celisa dabadana kaga dhaceen ciidanka LIYUU BOOLIISKA oo u yaacay xagaas iyo JIGJIGA iyo meelahay ka yimaadeen,ilaa  hadda ma sugan khasaaraha dhabta ahi ee labada dhinacba inkastoo 2 qof oo dagaalka ku dhaawacmay loo soo qaadey dhinaca degmada xaaji saalax balse goor dhaw ayaanu idin soo gudbin doonaa wixii ka soo kordha.

Colaadaha agaasi ka jira ayaa salka ku haya colaado soo jireen ah, oo aargoosi oo u dhaxayn jiray beelaha xagaasi wada dega ee Ogaadeenka iyo Isaaqa siiba Habaryoonis, kuwaasi oo ciidamada mashaariicda ka soo qaatay dawlada Itoobiya gaar ahaan kinilka shanaad ee loo yaqaano New Police ay xagaasi ka wadaan xasuuqyo aargoosi oo ka baxsan qawaaniinta u taala dalka Itoobiya, waxa waajib ah in shaqsi kasta oo muwaadin Itoobiyaan ahi uu degaankiisa ku helo cadaalad iyo nabad galyo, xukumadda dhexe ee Itoobiya waxa la gudboon in ay arintani il gaar ah ku eegto oo ayna shicibkeeda qaarna hubaynin qaarna aan la xasuuqin, sidoo kale qof kasta oo degaandaasi degani waa in uu ilaaliyaa qawaaniinta dalka u taala.
 
Ma aha markii ay ciidmada New Boolis oo huwan hab qabiila y xasuuqyo ka gaystaan xagaasi, waxa ay siyaabo kala gooni gooni ah ay dad ugu xasuuqeen agagaasi kuwaasi oo dhamaantood isku wada beel ka soo jeeda, beeshaasi oo ah tan ay maantana gurayahoodii  ay gubeen dumarkii iyo ciyaalkiina ka xasuuqeen, dagaaladana hadii aan dawlada Itoobiya wax ka qaban oo aanay beelaha meeshaasi wada dega ayna amaankooda sugin oo ciidmo aan kinilka u dhalan ayna dhigin waxa sii ssoconaaya uun xasuuqa dad gaar ah lagu hayo.


Mid ka mid ah dadka deegaankaasi oo noo waramay ayaa sheegay in ay fariin u dirayaan xukumadda Itoobiya kana codsanayaan in ay maxkamad soo taagaan raga deegaanada ku soo duulay ee caruurta iyo dumarka rasaasta la dhacay ee xasuuqa wada iyo bara kicinta,