Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Bayaan Ka Soo Baxay Al-Shabaab Oo Ku Sheegtay In Al-Amriiki U Si Nabad-Qab Ah Caanihisa Ku Qalaxsado

Sunday - March 18, 2012

Bayaan ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu daabacay barta Twitter-ka ay ku leeyihiin ayaa lagu sheegay in nolosha Cumar Xamaami oo loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriiki aysan khatar ku jirin noloshiisa, waxayna sheegeen inuu ku nool yahay barwaaqo iyo nabad.

Abuu Mansuur ayaa dhalashadiisu waxay tahay Mareykan inkasto u aabihiis asal ahaan ahaa Siriyaan .. Abu Mansuur wuxuuna cajalad horay ugu soo duubay in noloshiisa ay soo food saartay khatar, cajaladaaso u ku sheegay inuu ka baqdin qabo in shabaab ay dilaan.

Bayaanka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay bilaabeen baaritaanno ay ku doonayaan inay ku ogaadaan xaqiiqada iyo ujeedada ka dambeysa cajaladaas muuqaalka ah ee ay warbaahintu daabacday.

Qoraalka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in nolosha Al-Amriiki aysan khatar ku jirin, islamarkaana uu kula nool yahay walaalihiis barwaaqo, Al-Shabaab ayaa si buuxda u sheegtay inay layaab ku noqotay cajalada internetka la soo dhigay, taasoo lagu sheegay inay ku jirto khatar nafta Al-Amriiki.