Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wasiir A. C. Xaabsade Oo Laga Sheegay Inu Sidi Maska Qal-Qalooc U Socdo Si Miciga Ula Helo Siilaanyo

Sunday - March 18, 2012

Warar hoose oo laga helaayo rag ku dhaw-dhaw ina Cabdi Xaabsade ee hore ugu magacaawnaa wasiirka warfaafinta Somalland imin-kase jagadaas looga luqluqday oo la siiyey jago lagu sheegay wasiir quureed meesha taagnow waxna ha leefin ah ayaa la carabaabaya inu indhihi isku qaban-waayey oo maalmahaan ciil iyo gafuur taag la cabursanyahay isagoo gef ka tirsanaaya madaxweyne Siilaanyo oo u yiri odaga waa laygu diray doodna waan ka qaba, hasa ahaate dhinaca madaxtooyada shaqaalaheeda ayaa laga soo wariyey in madaxweyne Siilaanyo danti iyo kaarki siyaasada ee laga lahaa siiba kala jabinta beesha dhulbahante ay meesha ka baxday, waxaana Siilaanyo lafahaantiisa laga so wariyey inu yiri Ina Xaabsade isku helimaayo jagadaas iyo inu joog hoose uga hadlo tolkiisa hubka qaaday oo buste qoyan isa saaro.

Axmed Cabdi Xaabsade oo isagu caan ku ah is gadis-gadiska siyaasadee oo dhawr jeer galay dhuluq dhaaluuq si soco iyo soo soco ayaa iminka la sheegaya in talo ku baraahsatay oo ku hadaaqay inusan sidii koran xiniiyaha la muday u maluugnaan-doonin .. waxuu raadinaya waa sida la yiriye sidi u uga aarsan-lahaa Siilaanyo iyo gurubkiisa isu bahaystay, waxaana wararku intaa ku sii daraya in inta badan usan gurigiisa ka soo bixin oo u ku andacoodo in xanuun ka hayo gacntiisa midig.

Wararka ka imaanaya dhinaca hogaanka Khaatumo ayaa iyagu horay tilmaan ku baxshay in geedi-socodkii Khaatumo u sii fiican isugu duba dhacay oo cidi ka maarantana maamulkaas muraad laga lahayn, wixii ka soo qayb galayana hawgalka oo baraargusan welcom. waxaa dhamaatay ayey yiraahdeen xiligi gacan hoorsiga lagu kala qaybin jiray beesha .. ma jiraan ayey dhaheen cid u dhutineysa maaweelada kuwa hoos u yaaca iyo hagardaamada faroole iyo Siilaanyo oo beenta iyo khuraafaadka taariikheed sameystay  .. waxayna hal ku dhag ka dhigteen " kii dhabarku muuqdoow waa dharaar lagu dhawraayey dadkaaga dhinac ka raac yaadan lumine dhinac ka raac, hooy hooy dhinac ka raac.