Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Hub Aruursi Baahsan Iyo Colaad Ku Si Fideysa Degaanada Kilinka Shanaad

Monday - March 19, 2012

Gaashaamo: Wararka ugu dambeeyey ee ka yimaada aaga jiida Gaashaamo ayaa sheegaya dagaal Shalay galinkii danbe ka dhcay Degaankaas oo u dhaxeeyay qabiilka Isaaq ee degaankaas dega iyo Ciidamada Liyuu Booliisku oo sida la sheegay ay isaga dhinteen tiro aan yareyn, waxaana la soo sheegaya in labada dhinacba ay ka socoto gurmadyo iyo dhiilo dagaal oo laga yaabo in degaanka  kilinka shaanaad u ku sii fido.

Dadka Degaanka ayaa sheegtay iney dhinacooda laga dilay 17 qof rayid ah oo meelo kala duwan ku laayeen ciidamada kilinka shanaad ee loo yaqaan Liyu Booliska,

Wararku waxay intaa ku darayaan in ay kaxaysteen ciidamada Liyu Booliska tiro aan yareyn oo reer Miyi u badan, isla markaana ay sheegeen in ciidamo xoogan lagu soo weeraray tuulooyinka lana gubay Kaalin Shiidaal iyo meherado badana oo laga bililiqaystay,

Sida ay wararku sheegayaan beesha Ogaadeenka oo iyagana jiidaas dega, isla markaana u badan Ciidamadda Liyuu Booliisku ayaa ka guuray jiidii ay deganaayeen waxaanay u guureen Wardheer kadib markii ay xaalada deegaankaasi isku bedeshay goob dagaal oo ay ka baqeen in la laayo.

Dhinaca kale saraakiisha Maamulka Kilinka shanaad ayaa iyagana dhinacooda ka sheegay in 18 biishaan Marso kooxda Al-Shabaab ka tallaabay xadka oo dabadeed weerartay degaanka Raqda ee Itoobiya waxayna sheegeen in Dagaalyahano ka tirsan al-Shabaab oo ka yimid dhanka magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco-Somaliland, ayaa weerartay bar kontorool oo ay booliska deegaanka Soomaalida Itoobiya ku lahaayeen tuulada Raqda oo ka tirsan degmada Gaashaamo, gobolka Dhagaxbuur.

Sida illo muhiim ah oo la soo xiriiray saxaafada ay sheegeen, weerarkan ayaa yimid kadib marki ay ciidanka booliska deegaanka ee ku sugnaa bartan kontorool ay isku-dayeen inay joojiyaan gaari siday walxaha qarxa oo ka yimid dhanka Somaliland, kaasoo doonayey inuu si dhuumaaleysi ah ku galo gudaha Itoobiya.

Booliski joogay bartan koontorool oo ay tiradooda aheyd sagaal askari ayaa isku-dayey inay qabtaan gaarigan, balse dagaalyahannada al-Shabaab oo ahaa kuwo aad isu soo abaabulay ayaa halki ku laayey booliska.

Sida ay wararku sheegayaan, waxaa saacado kadib goobta gaaray ciidanka illaalada xadka, kuwaasoo ka daba-tagay dagaalyahannadi al-Shabaab oo isku-dayayey inay dib ugu noqdaan halki ay ka yimaaddeen.

Dagaalkan danbe oo ahaa mid aad u culus, waxay wararku sheegayaan in dhalinyaro badan la dilay, lagagana qabtay kuwo kale, kuwaasoo aan wali tiradooda la xaqiijin.