Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wasiir Xaabsade Oo U Hadlay Sidi Wax Khaatumeysan Oo Yiri Somaaliya Waa isu Imaaneysa

Tuesday - March 20, 2012

Hargeysa: Wasiirkii hore ee warfaafinta oo loo magacaabay wasiirka hawlaha guud Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugu wareejiyay wasiirka cusub ee warfaafinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) oo dhawaan ka mid noqday golaha xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Wasiir Xaabsade, ayaa khudbad kooban halkaas ka jeediyay wuxuu ku soo qaaday dhawr mawduuc oo dadkii munaasibadda ka qayb galay ay si weyn ugu dheg taageen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Qadiyada Beesha Dhulbahante ee Isagu Ka Soo Jeedo

Wasiir Xaabsade, oo inta badan caan ku ah marka uu meel fagaare ah ka hadlaya inuu dhinac walba u rido, wuxuu isagoo sheeko kale ku jira ay la jiirtay erey uu dareemay inay dadkii dhagaysanayay dhibsadeen oo ah umadda Somaliyed, waxaanu yiri " Wargeyska, Telefishanka iyo idaacaddu waxay u dhaxeeyaan ummadda Soomaaliyeed.Yaanay noqonin wax la kala dhawaysto.

Isagoo Raacshay Waar ah: horta Soomaaliya waa la isku tagay oo waa la isu imanayaaye’e, yaanay waxba idin dhibin. Waa la isu imanayaa,waa la wada hadlayaa miis baana la wada fariisanayaa. Taasi waa tii soo dhammaatay oo waa laga gudbay."

Xaabsade, wuxuu soo hadal qaaday tabashada Beesha Dhulbahanate, isagoo dawladda uu ka tirsanyahayna saxaafadda farriin u mariyay, " Reer Tolkay way inaga maqan yihiin oo way ina diidan yihiin. Siyaasad ahaan ayay inoo diidan yihiin si kale inooma diidana. Har galayna halkan (Hargeysa) ayay ka tageen waxa lagu yiri orda oo iska taga. Dadkii markaa arrintaasi go’aamiyay maanta cidi kama joogto. Laakiin waxa xukunkii haya raggii diidanaa arrintaasi. Waxaan leeyahay sidii dadkaasi lagu soo celin lahaa iyo wixii lagu muunayn lahaa hala baadi doono oo dawladdu ha doonto oo ha u fariisato oo dagaal sokeeye ninna waxba tari maayee la wada hadlo. Waxaan Tolkay u sheegayaa inaanay beeli waxba tarayn."

Wasiirka hawlaha guud Md. Xaabsade, wuxuu ka hadlay halgankii SNM iyo taariikhdiisa oo loo dhigo ardayda Somaliland, "Waxaan taabanayaa waxa halkan lagaga hadlayay SNM iyo dadkii soo shaqeeyay .. waxuu yiri Manhajkeena waxbarashadda ayaa lagu daray SNM, wiilashii aan SNM ahayn ee aan ku abtirsan ee iyaba mujaahidiin lahaa haddii aan lagu darin manhajka wax la wadaagi maayo. Waa in daraawiishtii lagu soo daraa. Waa in lagu soo daraa raggii gaalladda inaga celiyay ee diinta u dagaalamay ee labaatankii aynu soo dagaalanay in leeg dagaalamay ha lagu darro manhajka oo wasaaradda waxbarashadda ha loo sheego. Wasiirka warfaafintuna ha sii fidiyo."