Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Itoobiya Oo Tiri Dawlada Talyaaniga Waxay La Safatay Fawdada Eriteriya

Thursday - March 22, 2012

Addis Ababa - Dowladda Itoobiya ayaa dhaleeceyn xooggan u soo jeedisay dowladda Talyaaniga, iyadoo ku eedeyneysa inay Eriteriya garab ku siineyso falalka fowdada ah ee ay ka waddo gobolka.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in Talyaaniga uu si cad ula saftay fowdada xukumadda Eriteriya.

" Talyaaniga wuxuu si aan leex-leexad laheyn bannaanka isu soo dhigay difaaca falalka xasiloonidarada cabsi-galinta leh ee ay Eriteriya ka waddo Geeska Afrika" ayey dowladda Itoobiya ku tiri war-saxaafadeedkan.

Xukumadda Eriteriya ayaa lagu eedeeyaa inay taageerro rasmi ah siiso dhammaan kooxaha qas-wadayaasha ah ee ka howlgalla Geeska Afrika.

Isbuuci tagay ayey ciidanka Itoobiya billaabeen howlgallo ay ka fulinayaan gudaha Eriteriya, kuwaasoo ay dowladda Itoobiya sheegtay in lagu bartilmaameedsanayo xeryaha ciidanka Eriteriya ee lagu tababaro wax ay ugu yeertay "calooshood u shaqeystayaal."

Bishi January ayey mid ka mid ah kooxaha ay soo hubeyso Eriteriya waxey weerar ku qaadeen dalxiisayaal reer Yurub oo ku sugnaa aagga Danakil, deegaanka Canfarta, halkaasoo ay ku dileen shan kamid ahaa dalxiisayaasha.

" Hadda Itoobiya waxey isticmaashay xaqa ay u leedahay inay is-difaacdo iyadoo raaceysa xeerka u yaal Qaramada Midoobay waxey qaaday tallaabooyin xaddidan oo ka dhan ah xukumadda [Eriteriya] jawaab-na u ah laynti iyo qafaalki xadka looga soo gudbay ee la gula kacay dalxiisayaashi aan waxba galabsan," ayey dowladda Itoobiya ku tiri war-saxaafadeedkan.

Dowladda Itoobiya ayaa war-saxaafadeedkan ku muujisay xaqiiqda ah in dowladda Talyaanigu ay ka war-qabto taageerada ay dowladda Eriteriya siiso qas-wadayaasha.

" Lama inkiri karo in Talyaaniga uu si fiican oo buuxda u og-yahay taageerada Eriteriya ee falalka argagixiso ee gobolkeenna, kuwaasoo sanaddadi tagay sababay in la waayo nolosha dad shacab ah oo ay ku jireen dalxiisayaal Talyaani ah," ayey dowladda Itoobiya ku tiri war-saxaafadeedkan.

Dowladda Itoobiya ayaa gabagabada war-saxaafadeedkan waxey si kulul ugu cambaareysay warbixin ay siideysay dowladda Talyaaniga, taasoo ay sheegtay inay ugu xaglineyso Eriteriya iyo fowdada ay ka waddo Geeska Afrika.

"Itoobiya waxey sida ugu xoogga badan ee suurogal ah u dhaleeceyneysaa warbixinta aan la aamini-kareyn ee ay siideysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga iyo halka ay dowladda Talyaaniga ka istaagtay falalka xasiloonidarada ee ay Eriteriya ka waddo Geeska Afrika," ayey dowladda Itoobiya ku soo gabagabeeysay war-saxaafadeedkeeda.

Xigasho Wabishabeele.com