Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Allaha U Naxariiste Cabdilahi Yuusuf Oo Ku Geeriyooday Cusbitaal Ku Yaala Magaalada Dubai Ee UAE

Friday - March 23, 2012

Naf waliba maalintii ajasheedu dhamaato ayaa xaga allaah looga yeera sidaa daraadeed Bahda Goldogob Times waxay tacsi marka ugu horeysa ay hawada u marineynaa qoyski, qaraabadi iyo eheladi u ka baxay marxuum Col. C/Laahi Yuusuf Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo si lama filaana ugu geeriyooday magaalada Dubai

Marxuum Madaxweynihii hore Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa ka mid ahaa aasaasayaashi u bud dhigay maamul goboleedka Puntland dabadeedna u ka noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee maamulkaas, Wuxuuna kadib madaxweyne ka noqday dalka Soomaaliya sanadkii 2004 ilaa 2008 taaso u halgan dheer u soo galay inu qabto jagadaas

C/laahi Yuusuf Axmed intii uu xilka Hayay Soomaaliya waxaa soo wajahay Marxalado adag oo siyaasadeed waxaana uu ka badbaaday isku day dil oo qarax lagula beegsaday Baydhabo,hasa ahaate waxuu xilkii iska casilay dhamaadki sanadka 2008 kadib khilaaf ku yimi isaga iyo raiisal wasaarihiisi Nuur Cade.

Wixii ka danbeeyay Is-casilaadiisa waxaa uu Eebe ha u naxariistee C/laahi Yuusuf ku noola wadanka Yemen oo uu ka helay Deganaasho rasmi ah oo uu siiyay Madaxweynihi Hore ee Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.