Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Musllimiinta Ruushka Oo Sii Kordhaya Iyo Cabsi Ku Soo Korortay Masixiiyiinta Dalkaas

Saturday - March 24, 2012

Moskow: Magalada Moscow oo ay ku nool yihiin ilaa 2 Million oo qof Muslim ah ayaa dadka musllimiintu waxay ka cabanayaan Masajidada Moscow ku yaala oo Ku yar.

Maalinti Jimcaha magaalada Moskow kumanyaal ayaa isugu soo baxay inay ku Tukadaan Masaajida Moskow, hasa ahaate way qaadi la yihiin tirada sii kordhaysa ee Muslimiinta cibaadaysanaya.

Dadka degan Moskow Russian Kasta mid ayaa muslim ah waxayna u badan yihiin dad ka soo jeeda Kowkiska iyo bartamaha Asia waxay Russia u yimadeen inay ka shaqaystaan laakin qaar badan ayaa ka niyad jabay markay shaqo wayeen.

Ninka la yiraahdo Cali Bayajis 12 sano ka hor waxuu ahaa wadaad Kaniisadeed iyo Siyaasi Wadanka oo dhan caan ka ahaa Lakiinn hada waa muslin.waxuuna Madax ka yahay Xarun lagu diiwaan gashay in ka badan 12 kun oo Muslimiin ah laakiin waxaa dhibaato ku haya dad ka cabsi qaba kororka Muslliminta wadanka gaar ahaan Moskow taaso ay qabaan fikrad ahaan in tirada sii kordhaysa ee Musllintay ay u daran tahay wadanka Russia.

Taas waxa ka sii daran dadka Russia oo tiradoodu hoos u sii socota halka dhaqaalihiisuna kor u sii socda ka soo u baahan dad badan oo dibada ka yimaada oo shaqooyinka banaan buuxiya shaqalahaas waxa weheliya oo la socoda Dhaqankooda Cadooyinkooda iyo Diintooda.

By Suhayb Cabdi