Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

8 jir Soo Jiitay Indhaha Caalamka Kadib Markii La Ogaaday Inu Maalinti Dhuuqo 25 Xabo Oo Sigaar Ah

Sunday - March 25, 2012

Sukabumi: Siddeed jir u dhashay dalka Indonesia oo la yiraahdo Adi ilham ayaa soo jiitay dareenka caalamka, kadib marki la ogaaday in ay caado u tahay in maalinti uu cabo 25 xabo oo sigaar ah.

Wiilkan oo la nool waalidkii oo deggan Magaalada Sukabumi oo 80-KM (50 miles) Koonfur kaga beeggan caasimadda Jakarta, waxaa lagu kari waayey dugsiga .

" Dugsiga ma tago, sababtoo ah sigaar kuma cabi karo . la'aantii waa inaan ugu iibiniyo 20,000 Rupiah (oo u dhiganta $2 Dollarka Mareykank ah) sigaar maalin kasta," ayey tiri wiilkan hooyadii oo lagu magacaabo Nenah.

Nenah ayaa warbaahinta u sheegtay in haddii uu wiilkeeda cabin sigaar uu aad u xanaaqayo, taasoo keenta inuu jajabiyo guriga iyo alaabta.

" Waa inaan u ogolaado inuu cabo sigaar, haddii kale wuu xanaaqayaa. Waxa aanu cardaadiqaha ka dhigay daaqadaha guriga shan jeer, sababtoo ah waxaan u sheegay in aanu sigaar cabi kareyn," ayey tiri Nenah.

Dalka Indonesia ayaa waxa ku nool dad gaaraya 239 milyan, waxaanna la aaminsan yahay in saddexdi qof-ba uu midkood isticmaalo sigaarka .