Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Fadeexad La Soo Deristay Raiisal Wasaaraha Ingiriiska Mr. David Cameron

Monday - March 26, 2012

Fadeexad aad u weyn ayaa lasoo deristay Raisalwasaaraha dalka Ingiriiska kadib kolkii ninka u qaabilsan soo ururinta lacagta uu xisbiga Conservative ku hawlgalo u qaabilsanaa galay dabin ay jariidada Sunday Times u dhigtay.

Peter Cruddas oo u qaabilsanaa lacag soo ururinta xisbiga konserfatifka ayaa rag uu moodayey inay yihiin baayacmushtar u sheegay in ay bixiyaan lacag dhan 250 000 oo gini sanadkii, si ay si hawl yar oo dhaw ula kulmaan rasialwasaare David Cameron iyo wasiirka maaliyada mr. George Osborne.

Fadeexadan ayaa noqotay mid aan la ilaawi karin oo weji gabax ku noqotay raisalwasaare Cameron kadib kolkii ay jariidada Sunday Times soo dhigtay cajaladii laga duubay Peter Cruddas wabsaydhkeeda internetka. Waxaa iyana shabakada internetka soo galisay BBC da.

Fadeexadani waxay sahayatay mr. Peter Cruddas oo shaqadii iska casilay, laakiin khasaaraha ay u gaysan doonto fadeexadani sumcada raisalwasaare Cameron iyo xisbiga konserfatifka weli lama oga

Xisbiga mucaaradka ah ee Laybarka ayaa ka codsanaya raisalwasaare Cameron in uu badka soo dhigo wixii uu war ka hayo fadeexadan oo aanu waxba qarin .. Laakiin bal ha la eego fadeexadaasi halka ay ku dambeyso iyo inta qof ee kale ee ay sahayato