Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Boqorkii Somaliland Oo Loo Jaray Xabsi Afartan Cisho U Garta Maxkamada Ku Si Sugo

Tuesday - March 27, 2012

Hargeysa: Xukuumadda Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa shalay Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow geysay Maxkamadda, waxaanay Maxkamaddu u jartay Afartan cisho oo Rumaan ah.

Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadow oo muddo sadex iyo toban cisho ah Maxkamad la'aan ugu jiray xarunta CID-da ayaa loo gudbiyay Jeelka weyn si uu halkaas ugu ahaado Gar-suge Dacwada loo haysto ugu sugo.

Go'anka Jeelka loogu dhaadhiciyay Boqor Buurmadow waxa loo aanaynayaa inay sababtay ficilo ay ku talaabsadeen qaar ka mid ah qoyskiisa oo Madaxweyne Siilaanyo saxaafadda u mariyay Hanjabaado badan isla markaana u qabtay inuu si dhakhso ah u sii daayo.

Waxa kale oo kala hadlay Salaadiin reer Somaliland ah sidii Boqorka xorriyadiisa loogu celin lahaa, hase yeeshee jawaabta arrimahaas ay xukuumaddu ka qaadatay waxa ay noqotay inay God dheer ku rido si aanu fursad ugu helin Boqorku xiriirka dadweynaha oo ay Xukuumaddu u dabcisay intii hore.

Talaabadan ayaa irdaha u furaysa in xarigiisu uu noqdo mid sharciga waafaqsan halka ay intii hore Xukuumaddu sharci daro ugu haysay xarunta CID-da maadaama tan iyo intii la qabtay aan la horgaynin Maxkamad.