Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Itoobiya Oo Mamnuucday In Dalkeeda Loo iibgeeyo Sibir ( Shamiinto) Dibada Lagu Soo Sameeyey

Wednesday - March 28, 2012

Adiss Ababa, Walta Info- Xukuumada Itoobiya ayaa mamnuucday in ganacsi dibedda looga keeno sibir (cement), maadaama wax soo saarkii warshadaha dalku gaareen buuxinta baahidii loo qabay, sida wasaarada ganacsigu sheegtay.

Mamnuucida sibirka ee xukuumada aya lagu sheegay inay timi ka dib markii wax-soo-saarka guud ee warshadaha sibirka xilligan iyo kuwa cusub ee la dhisayo soo geliyeen suuqa xadi gaaraya 10.1 million tons oo ah baahida suuqa taal, sida wasaaradu sheegtay.

Shan warshadood oo sibidhka soo saara, Derba MIDROC Cement plc, Capital Cement East Cement, Enchini Medrock, iyo Mugher Cement Enterprise, ayaa dhowaan bilaabay wax-soo-saarkooda lixdii bilood ee ugu danbeeyey, taasoo buuxisay baahidii suuqa.

Dalka Itoobiya ayey ka dhisan yihiin 18 warshad sibir (Cement) oo soo saara xadi gaaraya 12.46 million tons sannadkii xilligan, iaydoo la filayo in warshadaha sida CH Clinker, Dire Dawa, Ethio iyo Ture Cement bilaabaan wax-soo-saarkooda sannadkan lagu jiro.

Waxa sidoo kale ay bilaabeen warshada sibirka ee Messebo iyo Mugher, inay dibeda u dhoofiyaan wax-soo-saarkooda.

Dhinaca kale, sida ay qortay Fortune, warshado yar oo soo saara sibirka (Cement) ayaa bilaabay codsi ay xukuumada ku weydiisanayaan u dhoofinta suuqyada gobolka wax-soo-saarkooda.

CH Clinker iyo East Cement ayaa si rasmi ah codsiyadood ugu gudbiyey wasaarada ganacsiga dalabkooda leysan dhoofin, halka kuwo kalena la filayo inay waddadaa maraan.

Wasaarada ganaciga ayaa la sheegay inay u gudbisay codsiyada warshadahaa wasaarada warshadaha oo sahamin ku samayn doonta xaalada sibirka ee suuqa, ka hor intaan go’aan la gaarin, sida la sheegay.

U dhoofinta dibedda ayaan fursad wacan ugu muuqan warshadaha sibirka ee Itoobiya, sababtoo ah qiimaha suuqyada dibedaha oo ka yar qiimaha ay kaga helayaan gudaha, taasoo kontonka kilo warshadaha Mughar iyo Messebo ku siiyaan 200 bir gudahafor 200 birr, halka qiimaha suuqa dibeddu yahay 11.3 dollars, sida falanqeeyaashu sheegeen.