Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Maleeshiyo Ka Soo Jeeda Reer Khaatumo Oo Dul Ku Laalaya Laascaanood

Wednesday - March 28, 2012

Hargeysa: Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa xalay Qasriga Madaxtooyadda Shir gaar ah kula yeeshay Guddi beesha Dhulbahante ah oo ku sugan Hargeysa ama xil ha hayeen ama ha naawilayeenbaé, kuwa asoo la sheegay inuu Xaabsade soo abaabulay.

Guddidan waxa ka mid ahaa Wasiirka ganacsiga C/risaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe oo ay wehelinayeen Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xamse Gaadaweyne, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Cali Sandulle, Fuáad Aadan Cade iyo C/rashiid Ducaale Qanbi.

Ilaa hada si rasmi ah looma oga wadahadalada labada dhinac ay xalay ku yeesheen Qasriga Madaxtooyaddu waxay ku saabsanayaan hase yeeshee sida ay sheegayaan warar aanu helnay ujeedada kulanku waxay ahayd sidii ay Xukuumadda iyo Guddidaas Dhulbahante uga wadahadli lahaayeen Gogashii Nabadeed ee Madaxweynuhu ku baaqay.

Guddida ayaa la sheegay Madaxweyne Siilaanyo inay u bandhigeen goáanka ay beesha inteeda badani qabto ee ah in Ciidamadda Qaranka dib looga soo raro deegaanada ay degan yihiin si ay u suurtogalaan in wadahadal la furo. Hase yeeshee waxa la sheegay Guddida laftigeedu inay isku khilaaftay Madaxweynaha Hortiisa kadib markii ay aragtiyo kala duwan la hortageen.

Guddida Dhulbahante ee Madaxweyne Siilaanyo la kulantay waxa aan ka muuqan Siyaasiyiin farabadan oo xilal ka haya Dawladda gaar ahaana Xildhibaano ka soo jeeda Golayaasha Baarlamaanka kuwaasoo u arka Guddidaasi inaanay meteli Karin kaligood beesha talo kasta oo ay la hortagaan Xukuuamaddana aanay ahayn mid ay ku metelaan maadaama aanay u dhamayn.

Kala qaybsanaanta Beesha Dhulbahante ka muuqata ayaa iftiiminaysa inaanay xukuumaddu haynin talaabo cad oo ay kula xaajoon karto beeshaasi ama ay Gogosheedu ugu suurtogali karto iyadoo wakhtigan u baahan inay Cod midaysan oo Reer Somaliland ah kaga qayb qaadato Wadahadalada Somaliya oo kaabiga inagu soo haya.

Dhinaca kalena wararkii ugu danbeeyay ee xalay naga soo gaadhayay magaaladda Laascaanood ayaa sheegayay in Ciidamo Maleeshiyo ah oo isa soo urursaday oo loo malaynayo inay ka yimaadeen Taleex iyo Buuhoodle ay soo dul dageen Dooxa magaaladda Laascaanood, kuwaasoo isku diyaarinaya inay weerar ku soo qaadaan ciidamadda Qaranka ee magaaladaasi.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn Ciidamadan hadana wararku waxay sheegayaan inay yihiin Maleeshiyo beeleedyadii taageersanaa Somaliland ee dhawaan laga jaray mushaharooyinkii ay ka qaadan jireen Ciidanka Qaranka.

Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay ilaa xalay Maleeshiyaadaasi isha ku haysay dhaqdhaqaaqooda, waxaana la sheegayaa qaarkood inay magaaladda Laascaanood ka adeeganayeen.