Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Maamulka Somaliland Oo Iska Dhagooleeyey In Xadka Lowyacade Ay Ka Soo Gudbaan Wasiiro Reer Jabuuti

Friday - May 4, 2012

Xiriirka u dhexeeya Maamulka Somaliland iyo jabuuti ayaa aad u xumaaday ka dib markii maanta ciidamada ku sugan xadka Gobolka Salal laga celiyey wasiiro iyo masuuliyiin kale oo doonayey inay gaaraan Magaaladda Saylac.

Ciidamada xuduuda ilaaliya ayaa weftigan reer Jabuuti u diiday inay gudaha Somaliland, gaar ahaan gobol Salal oo ay doonayeen inay yimaadaan Magaalo Madaxdiisa Saylac oo la sheegay inay doonayeen inay ka furan Mashaariic horumarineed oo ay hore halkaasi uga hirgaliyeen.

Warka ayaa intaa ku daraya in Lowyacado laga celiyey wefti ka kooban Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Kalluumaysiga Maxamed Somali iyo Maareeyaha Dekedda Jabuuti Sacad Cumar Geelle, markii ay noqdeena uu haddana soo istaagay kaantaroolkii weftiga hore laga celiyay wasiirka Tamarta Jamhuuriyadda.

Amarka lagu celiyay masuuliyiintan reer Jabuuti ayaa sida laga soo xigtay barasaabka gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul ayaa waxa bixiyay wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), kaasi oo maamulka gobolka Salal iyo ciidamada booliskaba amar buuxa ku siiyay inay dalka dib uga celiyaan masuuliyiinta reer Jabuuti ee la celiyay.