Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 3 May 2024

Madaxweyne Shiikh Shariif Oo Kuwait Gaaray

Sunday - May 6, 2012

Madaxweynaha dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Kuwait ee caasimadda dalka Kuwait. Shariif Axmed ayaa casuumaad ka helay dowladda Kuwait, wuxuuna mas’uuliyiinta dalkaasi kala hadli doonaa dhibaatada dalka Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Amiika dalkaasi, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale ayaa si diirran madaxweynaha Soomaaliya ugu soo dhoweeyay xarunta boqortooyada. Wafdiga madaxweyanaha waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibedda, wasiirka macdanta iyo biyaha iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa kaddib markay u dhammaato booqashada waxaa la filayaa in uu dib ugu noqdo Muqdisho. Kuwait waxay ka mid tahay dalalkii gurmadka u fidiyey shacabka Soomaaliyeed ee abaaraha ba’an saameeyey ee ku barakacay caasimadda Muqdisho, iyadoo dowladda Turkiga ay kaalin buuxda ka qaadatay dhanka gargaarka bini’aadannimada.