Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Xog-Uruurin Hoosta Ka Xariiqday In Haweenka Waqti Badan U Huraan Xan Iyo Dira-Diro

Tuesday - May 8, 2012

Written by Keefkeef: Ra’yi Ururin Tilmaamtay In Haweenku 5 saacadood Maalin Maalin kasta ku Qaataan, falanqaynta iyo wax ka sheega dadka jaarka iyo asxaabta la ah, waxa ay inta badan ka wada hadlaan dhibaato ama dhaliilo la xiriira, dhaqanka iyo nolosha qof ay garanayaan.

In badan oo aadamiga ka mid ah marka la waydiiyo, hawlaha wakhtiga ugu badan uu qabto, waxa laga yaabaa inay la soo boodaan, shaqooyinka ay ka hawl galaan, Hurdada ama ciyaaraha, jimicsiga iyo tamashlaha, hasa yeeshee lagama yaabo in uu qofku filan karo, in wakhti badani kaga bixi karo, hawlo aan dani ugu jirin.

Xog ururin dhawaan laga sameeyay dalka Ingiriiska oo daba socotay cilmi baadhis iyo daraasado tiro badan, oo wakhtiyo kala duwan la sameeyay ayaa shaaca ka qaaday in haweenku shan saacadood oo ka mid ah, wakhtigooda maalin-nimo ay ku bixiyaan xanta iyo u kala sheekaynta dadka.

Rayi ururintan oo lagu waraystay haween kala duwan iyo dadka arrimahooda darsa, waxa ay muujinaysaa, in haweenku wakhtiyada shaqada aanay ahmiyad badan siin, hasa yeeshee ay inta ugu badan ka wada sheekaystaan, waxyaabo kale oo qaarkood muhiim yihiin, hasa yeeshee aanay ahmiyadooda siin.

Tusaale ahaan waxa ay warbixintani xustay in dumarku in badan, ka wada sheekaystaan, dheriga, raashinka, qiimo korodhka maceeshada, daryeelka carruurta, waxbarashada ubadka, qurxinta iyo nashqadaynta guriga, hasa yeeshee maaha mid ujeedo ahaan ku tacaluqda iska xaal waraysi, balse waa mid dhaliilid iyo qof kale oo ku guul daraystay ku saabsan.

Sida lagu sheegay warbixintan waxa ay haweenku shan saacadood ku dhawaad maalin kasta, ku qaataan, falanqaynta iyo wax ka sheega dadka jaarka, ehelka iyo asxaabta la ah, waxa ay inta badan ka wada hadlaan dhibaato ama dhaliilo la xidhiidha, dhaqanka iyo nolosha qof ay garanayaan.

Mid ka mid ah aqoonyahanada dumarka ah ee daraaseeya nolosha haweenka oo arrintan ka hadashay, ayaa sheegtay in sababta ka danbaysa in sheekada dumarku u badato, xanta iyo wax ka sheega dadka kale, ay la xidhiidho dhaqankooda iyo abuur ahaan haweenka oo jecel in mar kasta oo ay kulmaan, sheekadoodu noqoto wax cusub, halka ragu laga yaabo, inay ka wada hadlaan arrimo taagan iyo waxyaabo ay marar hore ka soo sheekaysteen.

Dadka sameeyay xog ururintan ayaa sheegay in sheekada maalin laha ah ee haweenku, u badan tahay, cuntada, in kasta oo haweenku is diidsiiyaan ama ceeb ku tilmaamaan ka hadalka cuntada, sidoo kale kooxdani waxa u qaadan waa ku noqotay sida aanay haweenku wakhti badan ugu bixin ka hadalka lamaanahooda nolosha, gaar ahaan saygooda, oo sida warbixintu sheegtay liiska ka galaya halka ugu hoosaysa.

Dumarka ayaa dabeecad u leh in wax kasta ay dhaliilaan, ama si deg deg ah isaga taagaan dhinaca aan wanaagsanayn, waxa dhici karta in haweenaydu in ka badan saacad maalintii ka hadasho gabadha jaaryada ama adeegtada u ah, waxa kale oo xusid mudan in waxa ugu badan ee ay ka wada hadlaan tahay, wax ka sheega dadka kale, oo ah arrin u eg mid xiiso badan ku leh agtooda, oo aanay ka daalin waligood.

In kasta oo noloshu tahay lamaane oo aan midna ka kale ka maarmi karin, haddana waxa warbixintan lagu sheegay, in haweenaydu ninkeeda uga dhego nugushahay, gabadh ay saaxiibo ku yihiin xanta iyo ka sheekaysiga arrimaha gaarka ah ee dadka kale, sida warbixintani xustay, waxa marka ay dabo dheeraato, xanta iyo wax ka sheega dadka kale ay isku rogtaa mid lagu dhaliilo ilaa dirays qaadka iyo noocyada dharka uu qofka la hadal hayaa ku labisto, ilaa heer socodkiisa la gaadho.

Ugu danbayntii xog ururintani waxa ay ka warantay, hab dhaqano dabiici ah oo aanay haweenku xumaan u arkin, sida dira diraalayn ama isku dirka dadka kale, tusaale ahaan waxa lagu sheegay baadhitaankan in haweenku ficil si aan ku talo gal ahayn uga dhacay qofka ay dhamaan ku ilaawaan