Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Itoobiya Oo Cadeysay Ineysan Faaiido Ugu Jirin Dawlad Awood Leh Oo Somaliya Ka Dhalata Diideyna.....

Wednesday - May 9, 2012

Addis-Ababa- Dawlada federaalka Itoobiya ayaa ka hadashay aqoonsi ay Somaliland ka hesho beesha caalamka iyo dalalka Afrika ee ay ka mid tahay, waxayna muujisay in aanay raali ka ahayn in Somaliland aqoonsi hesho.

Dawlada Itoobiya ah oo dawlad guun ah oo ay ku nool in ka badan 82 Milyan oo ruux oo kala qoomiyado ah, ayaa shaacisay siyaasada ay ka leedahay dalka Soomaliya oo ay hadda ciidamo ka joogaan iyo waliba Somaliland oo ay u aragto in nabadgalyadeeda ay faa’iido ugu jirto.

Wasaaradda arimaha dibada ee Itoobiya ayaa Website-keeda gaarka ah ku baahisay qoraal dheer oo ay ciwaan uga dhigtay “Siyaasada Itoobiya Ee Ku Waajahan Somaliya”, kaasi oo ay ku faaqiday dhibaatada ka taagan Somaliya iyo haddii dawlad awood lihi ka dhalato dhibaatada ay filan karto iyo faa’idada ay ku qabto wakhtigan guud ahaan dalkii Somaliya la isku odhan jiray.

Qoraalkan oo ku daabacnaa luuqada Afka Ingiriisiga ayaa lagu sheegay in aqoonsi Itoobiya gacan ka geysato oo Somaliland hesho aanu Itoobiya dani ugu jirin, iyadda oo wasaaradu sheegtay in aqoonsi Somaliland Itoobiya ka hesho uu saamayn xun ku yeelanayo danaha ay ka leedahay Somaliya, iyadda oo sidoo kale muujisay sida aanay u danaynayn dawlad Somaliya ka dhalata “Odhaahda ah in Somaliya mar kale ka dhisanto nooc dawlad ah oo soo celisa nolosha, nabad, dimuqraadiyad iyo horumar Somaliya ka hirgalla Itoobiya Faa’iido uguma jirto”ayay wasaarada khaarajiga Itoobiya qoraalkeeda ku tidhi, waxayna intaa ku dartay iyadda oo ka hadlaysa aqoonsi Somaliland hesho “Su’aasha ku salaysan Somaliland oo loo aqoonsado dawlad, Itoobiya uma qorshaysna inay si gaar ah u samayso, maxaa yeelay waxay dareen xun ku abuuraysaa Somalida kale ee nabada ku nool (Maamulada kale), taasina walwal ayay ku tagay danahayaga”

Itoobiya waxay sheegtay in wada shaqeynta ka dhaxaysa Itoobiya iyo gobolada Somaliland ku jirto aanay ka mid ahayn in la aqoonsadaa “Sidaa daraadeed wada shaqeyntayada Maamulada kuma jirto inaanu aqoonsano”ayay tidhi war-bixinta wasaarada arimaha dibada Itoobiya baahisay, waxayna intaasi raacisay in dekedaha Saylac ka mid tahay ay isticmaalayeen ilaa muddo fog “Somaliya waxa jira dekado badan, kuwaasi oo Itoobiya u suurto-galin kara hawlaheeda, marka laga soo bilaabo dekeda Saylac oo taariikh dheer Itoobiya isticmaalaysay iyo ilaa Kismaayo”

Wasaarada arimaha dibada Itoobiya oo sidoo kale qoraalkeeda ku muujisay in Itoobiya qorshaynayso ina dhamam ka sameeyaan wabiyada Itoobiya ka yimaada ee Somaliya galla, ayaa waxa kale oo ay muujiyeen in Somalida Itoobiya ee ku dhaqan kilinlka shanaad ay la midaysan yihiin qoomiyadaha kale ee Itoobiya, isla-markaana ay ka yaraatay aragtidii Soomalinimadu.