Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Baaraayaasha Caaf.Britain Oo Sheegay Iney Ku Guuleysteen Farsameynta Xubno Sinaaci Ah Ee Aadamiga

Friday - May 11, 2012

Written by: Xasan Keefkeef: Baarayaasha caafimaadka iyo khubarada tignoolajiga ee dalka Ingiiriska ayaa markii ugu horaysay, shaaca ka qaaday in ay ku guulaysteen, xubnaha aadamiga oo sanaaciya, isla markaana la jaan qaadi kara habdhiska aadamiga iyo hormoonada jidhka.

Guushan ay ku doodayaan khabiirada caafimaadka ee dalka Ingiriisku waxa ay meesha ka saaraysa, ama fududayn doontaa dhibaatadii dadka xubno ka mid ah jirkooda waaya ka haysatay iyo raadintii dad ku tabaruca xubnaha jirkooda loo baahan jiray.

Professor Alexander Cevallan oo ka mid ah, kooxda mashruucan wada oo ka tirsan, jaamacada “London College” ayaa mar uu arrinta ka hadlay waxa uu jariirada, Ingiriiska ah ee “Daily Mail” ku yiri, “Waxaanu si dhakhso ah uga miro dhalin doonaa, arrintan, taas oo xubnihii lagu tabaruci jiray marka qofku dhinto ka dhigi doonta wax laga soo gudbay oo wakhtigiisi dhamaaday.” Ayuu yiri ninkaas oo muujinaya sida uu ugu han wayn yahay in mashruucani miro dhal noqon doono.

Mashruucan oo sida dhakhaatiirtu sheegeen rejo wayni ka muuqato, waxa lagu wadaa in sida ugu dhakhsaha badan loo hir galiyo mishiino farsameeyo qaybo ka mid ah xubnaha aadamiga iyada oo jiiniska iyo hormoonada qofka bukaanka ah laga samaynayo marka la isku dar daro, hadba xubinta uu u baahan yahay.

Professor Alexander oo isagu mashruucan uga masuul ah, ama u qaabilsan dhinaca tignoolajiga ayaa waxa uu ka waramay, ilaa wali xubnaha badalka ah ee ay ku guulaysteen, kuwaas oo ay ka mid yihiin, sanka iyo dhegaha, waxaanu xusay in ay ku rejo wayn yihiin, in marka qof xubnahaas wax ka qaba ay helaan ay u beeraan oo u farsameeyaan hormoonada iyo xubnihiisa jiinisyada laga qaado in looga sameeyo xubinta uu u baahan yahay.

Khabiirkan ayaa tilmaamay in mashruucani yahay kii ugu horeeyay ee wali dunida laga hindiso, waxaanu xusay in si looga miro dhaliyo ay u baahan yihiin wakhti badan iyo tijaabooyin kala duwan oo ay ku sameeyaan, bukaano kala duwan iyo dad xubno ka mid ah jirkoodu ka maqan yihiin si loo xaqiijiyo guulaysashada mashruucan.

Qaabkan loo beerayo xubnaha jirka ee badalkooda loo samaynayo qofka ayaa qaadanaysa, muddo afar todobaad ah, waxaana qofka laga qaadaya qaybo ka mid ah hormoonada iyo unugyada dhiigiisa ka dibna waxa muddada afarta todobaad ah loo samaynayaa qaab la isku fahamsiinayo jirkiisa iyo xubintan cusub ee lagu talaalayo.