Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Beesha Bicidyahan Cali Salemaan Oo Suldaan Cusub Caleemasaartay

Saturday - May 12, 2012

Boosaaso:-Beesha Bicidyahan Cali Saleebaan ayaa Suldaan cusub caleemo saartay kaas oo noqon doona Suldaanka saddexaad ee Beesha soo mara.Munaasabad lagu caleemo saarayay Suldaan Yuusuf Axmed Saalax ayaa shalay ka dhacday degaanka Timirshe ee hoos tagta degmada Iskushuban ee gobolka Bari,waxaana kasoo qaybgalay Waxgarad,Haween iyo dad iska kala imid degaano badan oo ka tirsan gobolka Bari.

Intii ay socotay munaasabada waxaa laga soo jeediyey khudbado kala gedisan iyo weliba tixyo suugaaneed oo lagu amaanayo Suldaanka cusub. Nabadoon Maxamed Khuurshe Xaaji Abeys oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in howshaan lagu soo jirey mudooyinkaan isla markaana ay ku guuleysteen iminka in Suldaanka cusub la caleemo saara.

Wuxuu Nabadoonka intaas raaciyey in Beel weliba ay hogaan leedahay sidaas darteedna go’aansadeen in ay hogaan sameys taan. Waxgarad ka kale ee Beesha oo goobta ka hadlay ayaa cod buuxa ku sheegay in ay taageersan yihin Suldaanka cusub oo ay soo dhoweyna yaan waxay na si cad u ballan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan. Mid kamid ah Haweenka ka hadlay ayaa ka codsatay Suldaanka cusub in wax uu ka qabto xaaladdaha adag ee ka jira degaanka gaar ahaan Caafimaadka iyo waxbarashada.

Waxay tusaale usoo qaaday in degaanka aanu lahayn wax Isbitaal ah oo la geeyo dadku markii xaaladdo deg deg ah soo foodsaarto gaar ahaan Haweenka uurka leh oo ay sheegtay in meesha u dhow la geeyo ay tahay Bosaaso balse inta ay jidka kusii jirto laga yaabo in ay qudh baxdo.

Suldaan Yuusuf Axmed Saalax oo si rasmi ah goobta lagu caleemo saaray ayaa gaba gabadii khudbad ka jeediyey goobta,waxaana uu ugu horeyn mahadcelin balaaran usoo jeediyey dhamaan dadkii uu gartay in xilkaan uu qabto. Suldaanka ayaa sheegay in uu si cadaalad ah Beesha ku hogaamin doono kuna dhaqaayo Shareecada Islaamka oo ay laga maarmaan tahay,wuxuuna codsaday in lala shaqeeyo. Suldaan Yuusuf Axmed Saalax ayaa noqonaaya Suldaankii Beesha

Bicidyahan Cali ay caleemo saarato,waxaana uu bedelay Allahu naxriiste Suldaan Ciise Xassan Cumar oo lagu dilay Bosaaso dhamaadkii sanadkii 2010.