Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Somaliland Oo Iska Joojisay Mashruuci Korontada Itobiya Lagu Soo Galin-lahaa Carigeeda

Sunday - May 13, 2012

Hargeysa xigasho Waaheen: Wasiiradda Arrimaha Dibeda iyo Tamarta Somaliland Maxamed C/laahi Cumar iyo Xuseen Cali Ducaale ayaa qoraalo a y Dawladda Itoobiya u qoreen ku Joojiyay Mashruuc bilow ahaa oo ay Shirkadaha SPS (Somaliland Power Supply) iyo Kambaniga EEPCO(Ethopia Electric Power Company) doonayeen inay Somaliland ugu soo jiidaan Korontada Dalka Itoobiya oo ay Somaliland iyo Itoobiya labaduba hore ugu dhawaaqeen inay ka wada faa’iidaysan doonaan.

Amarka labada Wasiir soo rogeen ee ay Dawladda Itoobiya ku wargaliyeen ayaa burinaya go’aan ay Wasiiradda Ganacsiga Somaliland iyo Hawlaha Guud C/risaaq Khaliif Axmed iyo Ismaaciil Muumin Aare hore ogolaansho ugu siiyeen inay Korontadaasi soo jiido Shirkadda Somaliland ee SPS.

Kambaniga Ethopia Electric Power Compnay iyo Shirkadda Somaliland Power Supply waxa ay dhawaan si wadajir ah Somaliland uga sameeyeen Xog Ururin ay ku qiimaynayaan Baahida Korontada ay Somaliland doonayso iyo halka la soo marinayo Tiirarka qaadaya Waayiradda Laydhka sida, taasoo ay ku soo mareen Goboladda Dalka oo dhan.

Talaabadan ay wasiiradda Xukuumadda Somaliland qaadeen ee isburinaya ayaa u muuqda kuwo aan isla socon ama aan iskaba war hayninba, taasoo Somaliland siyaasadeeda Arrimaha Dibeda iyo Ganacsiba hoos u dhigaysa marka ay qaarkoodna Heshiisyo iyo qorshayaal caynkaas ah oo kale galaan qaarkoodna ay ka hor yimaadaan iyagoo la hadlaya Dawladdo danooyin siyaasadeed iyo kuwo Ganacsiba inaga dhaxeeyaan.

Dhawaan waxa Somaliland iyo Itoobiya dhex maray khilaaf Maamul oo ka dhashay Heshiis Ganacsatao Itoobiyaan ah Xukuumaddii Rayaale kula gashay inay Dekedda Berbera alaabahooda kagala soo dagaan Nidaamka Transit-ka ah hase yeeshee Wasiirkii Maaliyadda ee hore Maxamed Xaashi Cilmi ayaa dhawr jeer joojiyay qorshahaasi, balse wadahadal Wasiirka Arrimaha Dibedu la yeeshay markii danbe isfaham ayaa laga gaadhay, inkasta oo Markabkii Budhcad Badeedu af-duubtay ee Madax furashada laga soo daayay oo Ganacsayo Itoobiyaan ah alaabo u saarnaa awgood ay u joojiyeen alaabihii ay kala soo dagi jireen Berbera.

Mashruucan ay labada shirkadood ku doonayeen inay Korontada ku keenaan Somaliland, ayaa bilowgiisiiba Su’aalo badan la iska weydiiyay sharciyan qaabka uu u meel marayo maadaama Somaliland ay ka jiraan Shirkaddo Laydh oo Gaar loo leeyahay, kuwaasoo kooxiba meel  fadhido, halka Su’aasha kale ee la isweydiinayay ay ahayd qaabkee bay Sharciyadda loo waafajin karaa maadaama oo aanay Abuurnay Xeerarkii iyo shuruucdii Korontadu.

Ilaa hada ma cada waxa sababay in Wasiiradda Arrimaha Dibeda iyo Tamartu ay joojiyaan mashruucaasi bilowga ahaa ee ay labada shirkadood wada gaadheen ee mudada soo socday iyo waxa ay ku bedeleenba, hase yeeshee talaabadaasi waxay tahay mid wali taagan oo aanay War cad ka soo saarin Xukuumadda Somaliland ee ay ka tirsan yihiin wasiiradda Qaarkoodna aqbaleen qaarkoodna joojiyeen.