Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Sh. Shariif Oo Muddo Kordhin New York Loogu Soo Samaynayo Iyo Ergadii P/land Qaarkood Oo Ka Soo ...

Tuesday - May 15, 2012

 

Muqdisho.... Madaxweynaha Somaliya Sh Shariif Sh Axmed oo ku sugan Magaaladda New York ee dalka Maraykanka ayaa la filayaa in Muddo kordhin loogu sameeyo Muddo xileekiisa gabaabsiga ah ee ku eg bisha August ee sanadkan. Safarka madaxweyne Shariif iyo xubnaha  la socda ayaan ujeedadiisa faahfaahin badan laga bixin hase ahaatee wararku waxay sheegayaan inuu halkaas kaga qeyb galayo shir lagaga hadlayo xaalada Somalia iyo waxyaabihii ka qabsoomay qorshaha road mabka oo halkaas ay ku yeelanayaan xubnaha golaha amaanka ee QM. 

Shirkan ay Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ugu yeereen Sh Shariif ayaa la filaya in la sikula meel dhigo sidii loogu kordhin lahaa madaxtinimada, waxaanay wararka Hordhaca ahi sheegayaan in muddo afar sano oo danbe ah loogu darayo, iyadoo wakhtigaasi loogu kordhin doono sidii uu u meel marin lahaa Ansixinta Dastuur la isku waafaqsan yahay isla markaana uu gacanta ugu dhigi lahaa gobolada aan ilaa hada gacantiisa ku jirin. 

Socdaalka madaxweynaha dowlada KMG Somalia iyo wafdigiisa ay ku tageen dalka Maraykanka ayaa ku soo aadaya xili magaalada Muqdisho uu ka socdo shir ay ka qeyb galayaan odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyed qaarkood kaasoo ay ku oo xulayaan ergooyin gaaraya 825 xubnood oo loogu talo galay iney ansixiyaan dastuurka ay sameysay dowlada Somalia ee muranku uu ka aloosan yahay. 

Dhinaca kalena wararka ka jira magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya Ergooyinkii Madax dhaqameedka ahaa ee Puntland qaarkood sida oday daqamaydka Warsangeli, Cumar Maxaamud, iyo labo oday oo ka tirsan odayaasha Dhulbahante oo ka soo jeeda dinaca Faroole ay ka shiraacdeen maanta magaalda Muqadishu iyo xagaa Garoowe hasayeeshe waxa shirka ku haray odayaasha ka kala soo jeeda beelaha; Cusmaan Maxamuud, Cali Selebaan, Dashishle, Cali Jabriil, Awrtable iyo Lelkase.