Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Dawlada Sh Shariif Oo Ku Hawlan Sidii Deegaanka Sanaag Bari Looga Dhisi Lahaa Maamulka Maakhir State

Wednesday - May 16, 2012


Dawlada Sheekh Shariif ayaa la sheegaya iney si cad ugu xiiqsantahay in ay taageerto maamulka Maakhir State laga hirgelinaayo deegaanada Sanaag Bari ee degto beesha Warsangeli.

Masuuliyiin ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo toddobaadkan ka qaybgalay shir loogu magacdaray adkaynta kooxda Maakhir State oo ka dhacay Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka , ayaa sheegay  in nabad raadinta Soomaaliya lagu hirgelin karo maamulo ay beelo leeyihiin ee laga dhiso dhulka Sanaag Bari

Saraakiil ka tirsan ergada dublumaasiyiinta ah ee Magaalada New  York u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in ay taageero xoogle siinayaan  maamulka Maakhir State oo ay doonayaan in uu ka shaqeeyo jiida ay ku dhaqan tahay beesha Warsangeli,iyada oo la siin doono xaquuq la mida maamulada kale ee ka jira Soomaaliya.

Waxa ay ka codsadeen odayaasha dhaqanka in ay bilaabeen wacyigelin dadka loogu sheegay maamulka  ay dhisteen taageerada uu uga baahan yahay.

Dawlada  Soomaaliya ayaa hore  taageero ugu muujisay  kooxaha Awdal State iyo Khaatumo oo ay gacanta ku hayaan dad aaminsan midnimada somaliweyn oo si gaara uga soo horjeeda cooni-goosatka Somaliland.