Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

Golaha Ammaanka Ee UN-ka Oo Si Cad Gaashaanka Ugu Dhufatay Codsi Ka Yimi Shiikh Shariif

Thursday - May 17, 2012

New York - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ku gacanseyray codsi kaga yimid Madaxweynaha  Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed kaasoo uu ku dalbanayey in xukumaddiisa la siiyo lacago uu sheegay in ay hore  ugu ballanqaaday bulshada caalamku.

Kulan ka dhacay xarunta Gollaha Ammaanka ee Magaalada New York oo uu ka soo qaybgalay Madaxweyne Sheekh Shariif,  goluhu  walaac ka muujiyeen dib-u-dhaca ku yimid geeddi-socodka lagaga gudbayo xilliga ku-meel-gaarka.

Sheekh Shariif ayaa dib-u-dhaca sabab uga dhigay in beesha caalamku ay bixin wayday dhaqaale uu  ku sheegay in xukumaddiisa loogu ballanqaaday intii uu socday shirki London ee arrimaha Soomaaliya, kaasoo dhacay bishi February.

Gollaha Ammaanka oo aad uga xanaaqay hadalka Sheekh Shariif, iyo muhiimadda gaarka ah ee uu ku xirayo dhaqaale la siiyo, waxaana ay  si cad ugu sheegeen Sheekh Shariif in xilliga yar ee u dhiman xukumaddiis aan la siin doonin wax dhaqaale ah.

Goluhu    waxa uu  tilmaamay in xujada hortaalla xukumadda Sheekh Shariif ay tahay in marka hore ay hanato yoolasha siyaasadeed ee furaha u ah geeddi-socodka, taasoo ah waxa lagu xirayo dhaqaale danbe oo ay bulshada caalamka siiso xukumadda Sheekh Shariif.

Dhanka kale waxa ay xubnuhu isku raaceen  in Sheekh Shariif iyo xukumaddiisa aan wakhti danbe oo dheeraad ah loogu kordhinayn awoodda, islamarkaana ay khasab tahay in ka hor August 20 la soo dhiso xukumad cusub.

Waxaa muddooyinkan danbe soo baxayey warar sheegaya in ay jiraan masuuliyiin ka tirsan hogaanka sare ee DKMG ah ay khatar ku yihiin geeddi-socodka, kuwaasoo ujeeddadoodu tahay sidi loogu sii jiri lahaa xilliga ku-meel-gaarka.

"Wax dib-u-dhac ah ama qas dib loogu dhigayo hirgalinta isbadalka waa waxaan gabi ahaanba la aqbali kareyn," sidaas waxaa kulanka ka tiri Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Susan Rice.