Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wax-GaradkaTanade/Leelkase Oo Kalsooni Buuxda Siiyey Oday dhaqameedyada Beesha Si Ay ...

Saturday - May 19, 2012

Waxaa shalay la madalay shir ka dhacay goobta hoolka hotelka ambassador ku teedsan jidka Maka Mukarama ee Mogdisho waxaa ku shiray xubno ruug cadayaal aan joogin Da' kaftan iyo sheeko male iyo wax-garadka beesha tanade iyagoo halkaas ku falaanqeeyeen arimo dhawr ah oo ay ileys weyn ku ifiyeen marxalada hadda bartanka looga jiro ee xarig jiidka iyo is gadgadiska siyaasada oo u baahan in looga gudbo talaabooyin ku saleysan taxadar badan iyo hal jaho oo mideysan lagu duulo.

Madasha Shirka waxaa goob joog ka ahaa oo Usha u ruxayey Jano-gale Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed iyadoo  dhinacana ay ka fadhiyeen duubabka Suldaan Subeer Xaaji Maxamud Abukar iyo Suldaan Maxamed Jaamac Shire Junle iyo Garaad Maxamud Yuusuf Afar-indhood, waxaa si habsami ah oo calool furan looga wada hadlay danaha guud ee beesha iyo sidi loo wajihi-lahaa aragtida siyaasada maanta dalka ka socota iyo kaalinta loo baahanyahay in ay reerku ka ciyaaraan ... Gabagabo iyo wax doodu socotaba oo raga qaarkiis soo jeediyeen in la magacaabo guddi gaara oo hawlaha socda ka caawiya Oday dhaqameedyada, hasa yeeshe soo jeedintaas lama meel-marin oo waxaa inta badan ra'yiga loo arkay in ay noqonkarto talaabo wax dhabqinkarta amase shaki dhalin-karta, sidaa daraadeed ugu dambeyn waxaa la isla meel dhigay in Ugaaska iyo gacan yarayaashiisa Saladiinta beesha ay si madax-banaan oo kalsooni leh u qabsadaan hawsha hor taala, iyado lagula dardaarmay in talada iyo wada tashiga aysan ku koobnaan inta maanta mogdisho ku sugan oo kaliya balse lala tashado waxna la weydiiyo dadka ehelada ee iyaguna aan joogin gudaha dacalada ee dibada ku laalan amase ku nool, waxaase muhim ah oo raga qaarkiis ka sharqamiyeen in ninka xilka loo magacaabayo ma yahay Nin garaad iyo caqli ku duuganyihiin oo la socda duruufaha siyaasadeed ee Somaaliya mise waa diktoor uun cilmiga Qaaxada wax ka yaqaan amase shuqulada guulwadeynta iyo huu-haada isaga caana maala

Waxaa madasha shirka gabagabadiisi mahadnaq ka soo jeediya Ugaas Beesha Ugaas Maxamuud oo mahad ka celiyey talooyinka iyo madax-banaanida loo gartay in ay ku fuliyaan hawsha loo idmay ee la xariirta qorista Ergada dastuurka iyo gaar ahaan soo xulida xildhibaanada barlamaanka oo ku saleysan in masuulliyada maanta lagu dayo kuwa leh aqoon iyo waayo-aragnimo maamul oo ay hogaamintooda dadku deeqdo, balse aysan dhicin sidi marki turubka la shaandheynaayo la oran jiray Qaawanoow ha igu soo bixin "Digtoor Qaawanoow ha igu soo bixin"