Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Wariye Toos " Live" Telefishinka Ugu Jiray Oo Hurdo Dheer La Khuuriyey

Monday - May 21, 2012

Washington- Weriye ka tirsan Telefishinka caanka ah ee Fox News ee laga leeyahay wadanka Maraykanka, ayaa hurdo la dhacay xili uu toos ama Live ugu jirey warbixin ku saabsan ololaha doorashooyinka wadanka Maraykanka lagu wado in ay ka dhacaan bisha November ee sannadkan.

Weriyahan oo lagu magacaabo Doug Luzader ayaa toos hawada ugu jiray,  isaga oo laga wareysanayay  Magaalada Washington oo ku sugnaa Istuudiyaha, waxaana  markii su’aasha la waydiiyey oo dadweynaha loo sheegay in warbixin lagu duwayo Studiyaha Fox News 7 ee Magaalada Washington hal mar indhaha lala helay weriyihii warka laga sugayay oo hurdo la dhacay isla markaana aanayba ugu jirin xisaabta in warbixin laga sugayo uuna iska galay in uu yar qas ka siiyo bahal hurdo ah oo uu aad ugu xiiso qabay.

Weriyihii kale ee ku sugnaa Studiyaha Fox News 7 ee war akhriyaha ahaa ayaa wax jawaab ah ka helin Doug, isaga oo ku bilaabay hadalkiisa “Doug Luzader ayaa si toos ah ugu jira khadka isaga oo ku sugan Washington, Hi Doug , kulan wanaagsan, subax wanaagsan bal arimahan wixii ugu dambeeyey inooga waran”.
Laakiin weriyihii  waxa uu  waayey cid u jawaabta, iyada oo weliba Kaamirada uu ka muuqdo Doug Luzader oo hurdo ku jira oo aan wax war ah u hayn su’aal iyo jawaab waxa la waydiinayo, waxanaa markaasi ka dib laga wareejiyey Kaamiradii , iyada oo dadka loo sheegay in dib loogu soo laaban doono warbixintaasi.

Arintan yaabka iyo qosolka xambaarsan , ayaa waxa ay noqotay mid si weyn looga hadal hayo dalka Maraykanka, iyada oo wariyahan hurdada la dhacay Doug Luzader uu ka mid yahay wariyaasha rug cadaaga ah ee Telefishinka Fox News ee dalka Maraykanka.