Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 28 April 2024

nbhyd mnjhgg

Tuesday - May 22, 2012

“Mareykanku ma ogolaanayo in Soomaaliya loo kala qeybiyo Gobolo 37 Madaxweyne leh, Somaliland uma aqoonsanayno dawlad Somaliya ka go’da” ” Donald Yamamoto
Minneapolis (Waaheen) – Dawlada Maraykanka ayaa la sheegay inay danaynayso midnimada Somaliya isla-markaana ka soo horjeedo in Somaliland ka mid noqoto dawladaha caalamka ee la aqoonsan yahay.

Donald Yamamoto oo ah ku xigeenka Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Afrika oo todobaadkii hore Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka kula kulmay jaaliyadaha Somaliyeed ee gobolkaasi ku dhaqan isla-markaana la yeeshay shir iyo dood wadaag ku saabsan xaalada wakhtigan ee dalka Somaliya iyo waliba xiliga kala guurka, ayaa shirkaasi kaga hadlay taageerada dawlada Maraykanku siiso Somaliya ee dhinacyada tababarada ciidamada iyo kaalmooyinka kale ee bani-aadaminimo.

Donald Yamamoto, oo hadal dheer oo uu u jeediyay dadkii uu la kulmay ka dib la waydiiyay su’aalo badan oo la xidhiidha arimaha Somaliya iyo siyaasada Maraykanka ee ku aadan gooni isu-taaga Somaliland, ayaa muujiyay sida dawlada Maraykanku aanay u doonayn in Soomaliya ay ka abuurmaan maamul goboleedyo badan oo uu tilmaamay inay yeeshaan Madaxwaynayaal iyo xukuumaddo u gaar ah “Mareykanku ma ogolaanayo in Soomaaliya loo kala qeybiyo dhulal, kuwaas oo leh 37 Madaxweyne”ayuu yidhi sida ay baahiyeen warbaahinta qaarkeed, waxaanu intaa ku daray “Somaliland uma aqoonsanayno dawlad Somaliya ka go’da”

Donald Yamamoto, waxa kale oo uu tilmaamay “Muddooyinkii dambe dalka Soomaaliya waxa ku soo badanayey dadka sheeganaya inay yihiin Madaxweyne deegaan ka tirsan Soomaaliya, yihiina dowlad goboleed ka jirta Soomaaliya”ayuu yidhi.

Warbaahinta warkan baahisay oo isugu jira kuwa afka Somaliga ku hadla iyo kuwa wax ku qora luqadaha kale ayaa qaarkood sheegeen in masuulkan reer Maraykan aanu hadalkan ka hor sheegin Madashii uu qurba-joogta Somaliyeed kula jiray, balse uu shakhsiyaad ka mid ah masuuliyiinta qurba-joogta Soomaliyeed iyo warbaahinta oo arinta Somaliland wax ka waydiisay uu ugu xanshaashaqay inaanu Maraykanku Somaliland aqoonsanayn.

Short URL: http://waaheen.com/?p=38011