Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Maleska Itoobiya Oo Ku Balanqaaday Iney Si Dhakhso Ah Ula Wareegi-doonaan Gacan Ku Haynta Kisimaayo

Wednesday - May 23, 2012

Adisababa:Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia Males Zanawi ayaa sheegay in Ciidamada dalkiisa ee ku sugan Koofurta Soomaaliya ay diyaar u yihiin inay kordhiyaan weerarada ka dhanka ah Kooxda Al Shabaab si looga saaro gobolada kale oo ay kaga hadhsan yihiin Koonfurta Soomaaliya.

Malez Zanawi ayaa tilmaamay in Ciidamadiisa ay khibrad badan u leeyihiin la dagaalanka Al Shabaab, wuxuuna carabka ku dhuftay in Ciidamadiisa ay ka go’an tahay ka hortagga waxa uu ugu yeedhay argigixisada Afrika.

“Waxaan naga go’an ah inaan xoojinno dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka soconaya Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya” sidaasi waxa yiri Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia.

Sidoo kale Malez Zanawi ayaa waxa uu intaasi ku daray in howlgalka xigga oo ay Ciidamadiisu qaadayaan ay ku qabsan doonaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose oo uu sheegay in uu dhaqaale farabadani kasoo galo Ururka Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamadeenu waxa ay Al Shabaab ka saareen dhul badan oo Koofurta iyo bartamaha ah sida ugu dhakhsiiyaha badanna waxay la wareegi doonaan Magaalada Kismaayo ee Shabaabku ay ku xooggan yihiin” sidaasi waxa yidhi Malez Zanawi.

Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia ayaa sheegay in Ciidamadiisa ay sida ugu deg-dega badan ay ugu bixi doonaan gudaha dalka Soomaaliya marka ay Ciidamada AMISOM la wareegaan goobaha ay ka xoreeyeen Al Shabaab.