Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 29 April 2024

Isbahaysiga NATO Iyo Dawlada Mareykanka Oo Qorsheeyey Weeraro Cirka Lagu Qaado Argagixisada Somaliya

Thursday - May 24, 2012

Muqdisho - Isbahaysiga awooda badan ee loo yaqaano NATO ayaa ku dhawaaqay inay bilaabayaan weeraro lagu ugaarsanaya Kooxaha Argagixisada ah ee ka dagaalama dalalka Somaliya ka midka tahay. Isbahaysiga NATO, waxa uu sheegay inay dalalka Somaliya, Yemen iyo Afgaanistaan ka fuliyaan weeraro dhinaca cirka ah oo loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu hago aalada (Remote Control-ka), kuwaasi oo la doonayo in lagu baa’biiyo fariisimaha ay kooxaha Argagixisada ahi ku leeyihiin dalalkaasi.

War-bixin ka soo baxday NATO ayaa lagu sheegay in dalalka Yemen, Afganistan iyo Somaliya ay ku sugan yihiin kooxo Argagixiso ah oo khatar ku haya wadamada ay fariismaha ku leeyihiin iyo guud ahaan caalamka, iyadda oo war-bixintu si gaar ah u sheegtay in Somaliya ay ku sugan yihiin kooxo argagixiso ah oo ka mid ah urur-weynaha Al-qaacida, kuwaasi oo NATO tilmaantay inay ka soo horjeedaan dawlada ku meel-gaarka ah ee Somaliya iyo guud ahaan caalamka.

NATO ayaa sheegaysa in duqeymahaasi ay la kaashan doonaan diyaaradaha Maraykanka ee ku sugan barriga Afrika isla-markaana ay si wada jir ah u qaadi doonaan weeraro ka dhan ah Kooxaha argigixisada ah ee sanadihii u dambeeyay ku soo badanayay Soomaaliya, Yemen iyo Afghanistan, si looga hortago-bay tidhi war-bixintu dhibaatooyinka ka imaanaya Kooxahaasi. Ugu dambeyn Warbixintaani ayaa lagu sheegay in NATO ay dhowr qaaday weeraro dhinaca cirka ah, iyadoo la kaashanaysa diyaaradaha Maraykanka kuwaasi oo ay ku qaadeen dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, islamarkaana ay ku dileen Saraakiil sar sare oo ka tirsan Kooxaha ka dagaalama dalka Soomaaliya. Isbahaysiga NATO, ma sheegin wakhtiga ay bilaabayaan duqaymaha ay ka samaynayaan dalalka Somaliya ku jirto, balse wakhti kasta oo la bilaabo duqaymaha dhinaca cirka ah ee Somaliya laga fuliyaa ka sakow dhibaatada lagu gaadhsiinayo kooxaha xagjirka ah, waxa dhibaato badani ka soo gaari kartaa dadka rayidka ah ee ku nool deegaanada kooxaha la wareerayaa gacanta ku hayaan, waxaana ka dhalan kara cawaaqib xumo aad u daran.