Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Dalka Gabon Oo Marti Galineysa Kulunka Pan-Afrikan Iyo Maal-gashadayaal Caalami Ah

Wednesday - June 6, 2012

Dowlada Gaboon ayaa marti galinaysa kulanka looga hadlayo dhaqaalaha aduunka kaasi oo ay ku yeelanayaan maalinta Jimcaha ah  Pan Afrika magaalada caasimada ee Libreville ee dalka Gaboon.

Kulankani oo socon doona mudo sadex cisho ah ayaa waxaa uu soo jiidan doonaa boqolaal hogaamiye oo ah kuwa warshaddaha, ganacsato iyo siyaasiyiin go,aan ku leh wadamada Afrika.

Rijad Atiyas oo ah aasaasaha New York Forum ayaa sheegay in madax waynaha dalka Gaaboon Ali Pen Bongo Ondimba kulankaasi uu si rasmi ah  u furi doono isla markaasina uu halkasi qudbad muhiim ah ka jeedin doono.

Kooxda New York Forum Afrika  ayaa ku baaqday in ay shirkaasi ka so baxaan ficilo ku dhisan wax qabad oo aan goobta shirka la isugu tagin oo kaliya dood,isla markaasina la helo wado loo maro sidii loo dhaqan galin lahaa wado looga hortago dhibaatooyinka dhaqaale ee soo wajihi kara qaradan Afrika.

Ergayda gaaraysa 600 oo ergo ee  iyagu ka qayb galaya shirkaasi Pan Afrika ee ka dhacaya Jimcaha soo socda dalka Gaboon ayaa waxay ka kala imaanayaan 50 wadan, kuwaasi oo %50 ah maal gashadayaal caalami ah.