Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

CIA-Da Mareykanka Oo Uga Digtay Kenya Qaraxyo Argagixiso

Thursday - June 7, 2012

Oslo By Cabdullaahi Raaxeeye: Warbixin ka soo Baxday Waaxda la dagaalanka Argagixisada ee dalkaasi Maraykanka  ayaa dagniin u diray Dowlada Dalka kenya Taasi oo ay sheegeen inay Halis u tahay in Qaraxyo laga Fuliyo Goobo Muhiim ah oo ku yaala Bartamaha Kenya.
 
Dowladda Washinton ayaa sheegay goobaha laga yaabo in Qaraxyo laga fuliyo ee ku yaala magalad Nairobi inay ka mid yihiin Xarunta Madaxtooyada ee Harambee House, goobaha lagu qaado Canshuuraha iyo Xarumo ay leeyihiin Ciidamada Sirdoonka ee dalkaasi Kuwaasi oo dhamaantood ku yaala Magaladda Xarunta ah ee Nairobi isla,markaasina laga Yaabo inay Al-shabaabka Somalia ay Qaraxyo is-miidaamin ah ka Fuliyaan.
 
Afhayeen u hadlay Ciidamadda police-ka Kenya oo lagu magacaabo Erick Kiraithe oo la hadlaayey Wakaalada Wararka ee associated press ayaa sheegay inay ka Hortagi doonaan Weerarkasta oo Al-shabaab ku soo qaadan Dalka kenya isla,markaasina ay Fashilin doonaan Qorshe kasta oo lagu doonayo in lagu wax yeeleeyo wadanka kenya.
 
Warbixintan ay soo Saartay waaxda la dagaalanka Argagixisada ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Kooxaha Islamiyiinta Ah ee dalka somalia ay Kordhinayaan Qorshayaasha iyo weerarada lagu qaadayo dalalka dariska la ah somalia.
 
Warbixintu waxay intaasi ku dartay dhabar jabkii kooxda Alshabaab kasoo gaaray dagaaladii ay la gashay dowladda somalia iyo ciidamad Midowga Africa ee Kusugan somalia  inay wiiqanto awoodii kooxdaasi.
 
Kooxdaasi Alshabaab ayey Warbixintu sheegtay inay Dalalka Geeska Ka qorarnayaan Dhalinyarad Muslimiinta Ah kuwaasi oo ay Hogaamiyayaasha Alshabaab ugu Baaqayaan inay Fuliyaan Weeraro ay iskood u qaadan.
 
Kooxda Alshabaab ayaa dhawaan soo Saartay Jaraa,id amma Wargeys lagu Magacaabo ''Gaidi Mtaan'' kaasi oo ku Baxa Afka Sawaaxiliga Taasi loo Dad badani ku sheegeen inay ina kusoo jiidanayaan Dhalinyarada Muslimiinta Ah ee Kunool dalalka Laysku yidhaahdo East Africa.
 
iskastaba ha ahaatee Warbixintan ayaa imaneysa xili ay Ciimadda Dalka kenya ay dalka somalia Ku jiraan Ku dhawaad 8 bilood kuwaasi oo ka qayb ah ciidamadda Nabad ilaalinta ee Midowga Africa.
 
Horayna Waxaa dalkaasi Kenya looga Fuliyey Qaraxyo ay kuwaasi oo Qaar badan oo kamid ah aan la ogeyn cida ka Dambeysay.
                                                     
                                                        Galdogob Times News Desk