Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Ugaaska Leelkase Oo Xiligaan Jeexaya Kharidadi Ugu Dambeeysey Ee Lagu Xuli-Laha Xildhibaanada Cusub

Saturday - June 9, 2012

Mogadisho: Warar xiligaan caasimada Mogdisho la isla dhex jibaaxayo oo aad moodo in qofkasta afkiisi lingixii laga gooyey oo ciddi aan wax sheegin ama ka hadlin xildhibaanada la xuli-doono noqoday wax aan jirin .. qaarkood waxa ay shubayaan wax u eg sheeko caruureedki loo halaasin jiray dhalaanka yar yar iyo kuwa sheekadooda u sii gurguuraneysa muran aan xaqiiqada ku fadhin ee meel iskaga beyrka ahi .. Waxaa Baarka Yoobsan Time ee u dhaw daarta Trebiano mogdisho ee bulshada reerka qaaliban fadhiyaan waxay afka u badinayaan in Ugaaski u boqranaa beesha Tanade/Leelkase Ugaas Maxamuud Ugaas Axmed u hadda ku jiro istikhaaradiisi alla bari si ilaahay ugu ilaaliyo xulasho habaabsan iyo kuwa garashada garaadka ka aradan oo aqoon xumo dibada ka ah oo berri markii xil loo dhiibo seexadkiisa iyo marku soo tooso uun kiisi ah ee aan wax iska badalin, dabadeedna la haraamo cidi soo karkarisay dhagaxaan aan bislaaneyn .. waxay sheegeen in Ugaaska iyo salaadiinta la socota ay waqti walba ku jiraan Baashe saar,Raani seyr

Ugaas Maxamuud oo la sheegay sidu uga miro-dhalin lahaa waxa u aaminsanyahay ee ah inu wax u kala guro si xaqa waxuu si qurux badan oo soo jiidasho leh su'aal iyo jawaab dhageysid jilbaha ugu laabtay bulshada reerka gudo iyo dibada dacalada caalamka ku nool waxaana la sheegay inu qaatay talo digtoon oo dardaaran leh oo loo yiri sidaan: Dermo harag Sagaaro isu deysta mooye is dul buuxsha laga wacan .. hadafkiisa inusan ka leexan, oo hubsado yoolkiisa, magacaabo shakhsiyaad hal door ah amase la bidaayo iney dalkooda iyo umadooda guusha u horseedi-karaan iyo gaar ahaan kuwa maxfalada caalmka iyo gudahaba indha buuxin-kara .. talada ay soo tuureen waa xulka ha laga ilaaliyo kuwa siiba indhaha ku kala furay colaadi sokeeye oo AK 47 indhahooda u yahay caadi .. talada kale ee la siiyey waa xulka in laga ilaaliyo Nin aan gaari fuuli-jirin oo dabadeed geedki dhaafa ku wareera .. Shiikha beesha waxa talo lagu baaqay inusan xiix oran dan u galin hadalka dhataqlaha ah ee aan meel loo dayeyn ..  afku seefle yeelki qofkii aan ku qancin go'aanka iyo talada beesha ka soo talisay waa u furantahay inu naqaska iska si daayo ayaa talo loogu soo gabagabeeyey

Wararka ayaa intaa raacinaya in raga qaarkiis ay inti mudaba bilaabeen barnaamijyo siyaasadeysan ka fog dhaqanka looguna magac daray weji ku macaash kursi lagu doonaayo, kaaso la iska soo hormariyo shakhsiyaad iyo odayaal maalmahaan lagu masruufo hoteelada oo gar iyo gardaraba leh haddi aan hebel wax la siin irbad duni geli-meyso, ujeedadana tahay in luuq qaloocan laga soo duso iyo in lagu marin habaabiyo ujeedada guud laga leeyahay in la helo shakhsiyaad hufan iyo in odayaal dhaqmeedka hawshooda la dabro taaso inti waqti dheer ah ay ka nasteen dhagaha iyo indhaha beesha.

Fiiro Gaara: Sida qorshaha wargeyskaan yahay markii la soo saaro xulka magacyada xildhibaanada beesha waxaan soo gudbin-doonaa qof waliba waxa u yahay taariikh nololeedkiisa gaarka ah