Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 30 April 2024

Sho Yano WaaTakhtarka Ugu Da' Yar Aduunka

Saturday - June 9, 2012

Sho Yano, waa wiil yar oo da´diisu imminka tahay 21 jir, hase yeeshee bilaabay in uu wax akhriyo markii ay da´diisu ahayd 2 jir, 3 jir, markuu ahaana bilaabay in uu wax qoro.
5 jir markuu ahaana, bilaabay in uu tumo qalabka organka muusiga. 9 jir markii uu ahaana bilaabay in uu college galo. 12 jir markuu ahaana dhameeyey jaamacadda, Loyola University.

Wiilkan oo ku nool dalka Maraykanka, ayaa ay jaamacadihii cilmiga caafimaadaka dhakhtarnimada ay diideen in ay aqbalaan codsigiisa, ama ay qaataan, iyagoo markaa u arkaayey inan yar (wiil) oo carruura. Markii danbe waxaa qaadatay isagoo da´diisu tahay qiyaastii 12 jir

jaamacadda dhakhtarnimada ee Chicago, (University of Chicago.) waxaanu wiigan ka qaadanayaa jaamacadda, Pritzker School of Medicine, digriiga sare ee Ph.D. in molecular genetics and cell biology.
Jaamacaddaha cilmiga dhakhtarnimada oo inta badan dalka Maraykanka isku cel-celis lago galo ama lagu qaato marka ardeyga ay da´diisu tahay 23 jir.

Sho Yano, waxa uu 2003 bilaabay jaamacadda caafimaadka dhakhtarnimada ee University of Chicago. Scwab, a professor of pediatrics, oo ahaa profosoorada ka dhiga jaamacadda, ayaa isaga oo ka sheekayanaya maalintii ugu horreysay ee u la kulmo inankan yar ee Dr. Sho Yano, ayaa waxa uu yidhi la mid muu ahayn 11 jirada ay isku da´da ay ahaayeen wakhtigaas uu bilabaay jaamacadda, xaga carruurta 11 jirada ama 12 jirada ay iyagu ciyaar iyo wax kale xiisaynayeen , isagu waxa uu xiisaynay oo doonayey in uu dhakhtar noqdo. Ficlan sidii uu doonayey ayey noqodtay, waxaanu noqdtay wiilka ugu da´da yar ee ka qalan-jabiyey ama bilaabay cilmiga caafimaadka dhakhtarnimada.

Hambalyo ayaanu leenahay!
Waxaa soo diyaariyey, Nuux Ismaaciil Maxamed, (Ina Ismaaciil Somali Airlines) www.caafimaadka.com
 
                                                        Galdogob Times News Desk